Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all 131746 articles
Browse latest View live

Kulan Wadatashi ah Oo Ay Yeesheen Xukuumada DDSI Iyo Cuqaasha Gaashaamo

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado, 26ka July 2016. Kulan wadatashi ah oo ay wada yeesheen xukuumada DDSI iyo cuqaasha kasoo jeeda degmada gaashaamo ayaa caawa kafurmay hoolka shirarka khaaska ah ee xarunta madaxtooyada.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay kuwehelinayeen wasiirka xafiiska shaqaalaha iyo arimaha bulshada DDSI mudane Axmed Koore, hogaan kuxigeenka xafiiska nabadgelyada, maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Ibraahin Maxamuud Mubaarak, hogaan kuxigeenka xafiiska nabadgelyada, maamulka iyo cadaalada DDSI mudane Axmed-daahir iyo waliba wasiir kuxigeenka xafiiska maamulka DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad.

Waxaana dhanka gaashaamo kulankan kaqaybgalay suldaamo, ugaasyo, aqoonyahano, jiif caaqilo, caaqilo, culimo-awdiin, odayaal dhaqameedyo iyo dhalinyaro ay kamid ahaayeen: suldaanka guud ee beelaha Habaryoonis suldaan maxamed xirsi, suldaanka 2, aad ee beelaha habaryoonis suldaan yuusuf muxumed xiiray, suldaan mustafe suldaan xasan bulbul, jiif caaqil xasan ibraahin, jiif caaqil baashe muuse dhiif, caaqil cabdi kayse maxamed, caaqil bulbul cabdi muuse, ugaas xuseen xaaji geele, aqoonyahan cabdi kariin axmed guuleed(cabdikariin aw-raali) iyo qaar kale.

Hadaba kulankan wadatashiga ah ayaa waxaa furay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn si heer sare ah usoo dhaweeyay dhamaan cuqaasha islamarkaana kubilaabay isbarasho isagoo kadibna soo dhigay geedi-socodka kulanka oo ahaa: xog-waran xukuumadu soo jeedinayso, kadibna in si qoto-dheer looga wada hadlo xaalada xuduuda gaashaamo gaar ahaan sidii looga hirgalin lahaa sharciga xuduudaha dalka uyaala xal-waarana looga gaadhi lahaa iyadoo la eegayo danta shacabka xuduuda dagan iyo in ladhaadhiciyo go’aamada kulanka kasoo baxa. Wuxuuna madaxwaynuhu waydiiyay sida ay u arkaan geedi-socodka kulanka.

Kadibna cuqaasha ayaa soo jeediyay inay u arkaan arinta kali ah ee xididada usiibaysa dhibaaatada xadka iyo inaysan waliba mardanbe soo noqonin inay tahay in si balaadhan looga wada hadlo kadibna go’aamada la islaqaato hoos loo dhaadhiciyo islamarkaana wacyigalin balaadhan lasameeyo.

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaana halkaa kasoo jeediyay xog waran guud oo kuqotoma in dhibaatooyinka xuduuduhu ay meel kasta oo caalamka kamid ah ay kajiraan isagoo gaar ahaana xusay kuwa kajira qaarada Africa khaasatan dawlad deegaanada dalka iyo wadamada dariska ah oo ay wada dagaan dad isku-diin, isku-dhaqan iyo isku-af ah laakiin kalawadan ah, iyo in lagu dhameeyo xalkooda wada hadal iyo kudhaqanka sharciga oo lahirgaliyo. Wuxuuna carabka kudhuftay sababaha keena dhibaatooyinkaas oo ah: aragti xumo, ganacsiga sharci-darada ah iyo ururada argagixisada ah oo uga faaiidaysta siday carqalad uga dhex-dhalin lahaayeen shacabka walaalaha ah islamarkaana ay ufushan lahaayeen danahooda khaaska ah. Madaxwaynaha ayaana kudheeraaday kaladuwanaanshaha itoobiyadii hore iyo itoobiyada maanta. Wuxuuna carabka ku adkeeyay in caqabada ugu wayn ee arimaha xuduudaha ay ahaayeen UBBO. Madaxwaynaha ayaana hadalkiisii kusoo xidhay sababta kadanbaysay in lasameeyo ciidamada liyuu booliska oo ahayd xasilinta amniga deegaanka oo xiligaa qasnaa, iyo in ciidanka, xukuumada iyo shacabka deegaankaba aan lagu tilmaami Karin qabiil balse ay yihiin hal xisbi iyo ciidanka oo amniga deegaanka oo dhan uxilsaaran islamarkaana ay shacabka gaashaamo kamid yihiin shacab-waynaha deegaanka ee uu madaxwaynaha uyahay isagoo khaasatan shacabka gaashaamo ku amaanay inay yihiin dad nabada jecel.

Ugudanbayna, wakhtiga oo xili danbe oo habeen ahaa awgii ayaa la isla qaatay in bari la isugu soo noqdo kulanka oo ay cuqaashu si qoto dheer uga hadli doonaan.


Xuska Todobaadka Adeega Shacabka Oo laga xusay jigjiga.

$
0
0

Jigjiga (cakaaranews) Arbaca, 27da July, 2016 waxaa maanta si heer sare ah deegaanka iyo dalkaba looga xusay munaasabada xuska todobaadka adeega shacabka taasi oo sanad kasta la xuso 20ka bishan Hamle.

Haddaba munaasad balaadhan oo uu soo diyaariyay xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha  ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee Sayid Maxamed Cabdile Xasan jigjiga.

waxaana kasoo qaybgalay qaar kamid ah masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo ay kamid tahay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax, golaha wasiirada DDSI, Shaqaalaha Xafiisyada heer deegaan iyo marti sharaf kale.

Munaasabadan ayaa waxaa ugu horayntii kahadashay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax oo ugu horayntii shacabka deegaanka ugu hambalyaysay munaasabadan xuska todobaadka adeega shacabka.  Waxayna sheegtay in ay munaasabadani tahay mid sii adkaynaysa taabo-galinta guulaha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban. waxayna tilmaantay madaxwayne kuxigeenku inay  kusoo beegantay wakhti guulo waawayn laga soo hoyiyay dhinacyada horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban islamarkaana ay kusoo hagaagtay wakhti laga  soo afjaray deegaanka hadhaagii dhiigyo cabkii UBBO ee ku dhuumaalaysan jiray wadamada dariska ah.

Munaasabadan oo halku dhig looga dhigay ''in loo adeego shacabka waa sharaf, in loo adeego sidii loo tir tiri lahaa saboolnimaduna waa sharaf labaad”  ayaa waxaa gabagabadii munaasabadan  abaalmarino shahaado sharaf ah la gudoonsiiyay qaar kamid ah xafiisyada heer deegaan iyo shaqsiyaad noqday hormuudka shaqaalaha. waxaana gudoonsiiyay madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo sucaad axmed faarax.

Degmada Shiniile Oo Tababar Loogu Qabtay Umiliso-dhaqameedyo

$
0
0

Shiniile(cakaaranews)Arbaco 27ka July 2016.Tababar kusaabsan sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta umuliso-dhaqameedyada islamarkaana ay ka sooqaybgaleen degmooyinka ayshica. shiniile. Hadhagaale iyo danbal ayaa si habsami leh uga furmay xafiiska caafimaadka degmada shiniile.

Hadaba Madaxa Xafiiska Caafimaadka Degmada Shiniile mudane Fadxi Shugri Axmed oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in Tababarkani yahay mid kor loogu qaadayo garaadka aqooneed ee umiliso-dhaqameedyada iyo sidii loo casriyaynlahaa umiliso dhaqameedyada islamrkaana loo dabargoyn lahaa in hooyadu meel aan xarun ama goob caafimaad ahayn kudhasho. Waxuuna intaa kudaray in tababarkan ay kasooqaybgaleen 40 umiliso-dhaqameed oo kakala yimid degmooyinka kala ah Shiniile, Ayshica.. Hadhagaale iyo Danbal.

Wuxuuna hadalkiisii ku gabagabeeyay in tababarkani wax wayn katari  doono si loo helo adeeg dhalmo nadiif ah iyo daryeelka ilmaha dhasha kaas oo lagu dhimayo dhimashada hooyada iyo dhalaanka iyo sidii xarumaha caafimadka loogu soo xidhilahaa hooyada uurkaleh dibna ayna udhicin in hooyadu ku dhasho meel aan xarun ama goob caafimaad ahayn.

Degmada Gunagado Oo Lagusoo Dhaweeyay qurbojoogta Gobolka Jarar

$
0
0

Gunagado ( Cakaaranews ) Arbaco 27ka July 2016.Waxaa maanta degmada gunagado si heer sare ah loogu soo dhaweeyay qurbajoogta u dhalatay gobolka jarar oo shalay ka ambabaxay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga si ay usoo indha-indheeyaan waxqabadyada horumarineed ee ay xukuumadu ka hirgalisay gobolka jarar .

Waftigan qurbajoogta ah ayaa intii ay kujireen socdaalkan waxaa si heer sare ah loogu soo dhawaynayay dhamaan tuulooyinka ay marayeen iyaga oo shacabku kaga hor imanayay wadooyinka .

Hadaba waftigan ayaa booqashadoodii kutagay mashruuca biyo-xidheenka ee lagahirgaliayay tuulada hoodaale iyo mashruuca biyo-xidheenka wayn ee tuulada goomaar .

Kadibna waftiga ayaa booqashadoodii kusii maray ceelka taariikhiga ah ee bulaale oo si meeqaam sare leh loogu soo dhaweeyay islamarkaana wuxuu wafigu ugasii gudbay dhinaca degmada gunagado oo ay wakhti xaadirkan kusugan yihiin.

Ugudanbayna, waftiga oo indhahooda kusoo arkay dhamaan mashaariicyada horumarineed  ee ay xukuumadu kahirgalisay goobihii ay booqashada kusoo mareen ayaa bogaadiyay waxqabadyada xukuumada islamarkaana kamarakacay horumarka laxaadka leh ee kahanaqaaday guud ahaan deegaanka iyagoo gaar ahaana xusay horumarka gobolka jarar. Waxayna uga mahad celiyeen xukuumada waxqabadyada kaladuwan ee ay kafulisay dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka jarar.

Ogaysiis fursad Waxbarasho.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) khamiis, 28ka July, 2016 Si looga midho dhaliyo istaraatajiyadaha, jihooyinka  iyo yoolasha lagu  hirgalinayo qorshaaha horumarinta magaalooyinka iyo warshadaha DDSI  ayaa   waxay   xukuumada DDSI iyo xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI u dajisan   tabo iyo xeelado suurta galinaya  xoojinta iyo  fulinta qorshayaashaasi.

Waxaana   ka mid  ah  tabahaasi,  xoojinta iyo awood siinta cududa waxbaratay oo ku gaashaaman  xirfad, aqoon iyo karti  taasi oo  salaysa gaadhida horumar dhaqaale waara. Haddaba xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI  ayaa waxa u hayaa fursad waxbarasho oo ah heerka degree

Fursadan waxbarasho   oo ay  fulinayso jaamacada civil service Universality ayaa waxaa lagu baran doonaa culuunta kala ah:-  1 urban management, 2 urban engineering, 3 urban land management and information system iyo ta afraad oo ah surveying engineering and mappingCilmigan  ayaa ah kuwa  lagu xoojinaya horumarina maamulada magaalooyinka DDSI.

Waxayna diwaan galintu bilaabmaysaa 21ka bishan Hamle 2008TI waxayna socon doontaa  ilaa 27 bisha hamle 2008TI taasi oo ka bilaabmaysa xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI halka ay maamulada magaalooyinka Goday, Qarbidahar iyo Dhagabuur   isla taarkiikhdaasi  diwaangalintu ka furmayso xafiisyada maayirada magaalooyinkaasi.

Shuruudaha looga baahan yahay is diwaangaliyayaasha:- ayaa ah  shahaadada  dugsiga sare ama 12aad  oo ay dhibcaha wiilashu gaadhsiisan yihiin 340 halka dumarka looga baahan yahay dhibcaha 330 oo ah Natural science,  halka social science looga baahan yahay in ay haystaan dhibcaha ah wiilasha 315, dumarka 305,  sidoo kale waxa la diwaangalinayaa qofkii haysto TEVETka ah level 4 oo ay raacsan tahay shahaadada xaqiijinta tayada ardayga COC.

Wixii faah faahin ah kala xidhiidh  xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI.   

Kulan Waynihii 2aad ee Xafiiska caafimaadka DDSI iyo hay'adaha bah-wadaagta la ah oo furmay.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) khamiis, 28ka July, 2016 Waxaa maanta ka furmay hoolka shirarka huteelka City Crown ee magaalada Jigjiga  Kulan waynihii  labaad ee sanadkan 2008 TI kaasi oo ay  ujeedadiisu tahay in lagu qiimeeyo waxqabadka hay'adaha bahwadaagta la'ah xafiiska Caafimaadka DDSI, waxaana ka soo qaybgalay kulankan  30 hay'adood oo isugu jira INGOs, local NGOs iyo kuwa UN ta.

Kulan kan qiimaynta ah oo ay  hogaaminayeen masuuliyiin ka socotay xafiiska caafimaadka DDSI ayaa waxaa  Furitaankiisii ka hadlay  Gadhwadeenka geedi socodka qorshaynta iyo dabagalka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xassan Ismaaciil  wuxuuna soo  jeediyay; ujeedada, ahmiyada kulankan iyo waliba jahooyinka (priority target areas of the ESTHB) ee  hirgalinta qorshaha siyaaada caafimaadka GTP-2 ga (Health sector transformation plan). Masuulka ayaa sheegay in ahmiyada la siiyo adeegyada caafimaadka ee  hoos loogu dhigayo dhimashada hooyada iyo dhalaanka, sidii kor loogu qaadi lahaa tirada qabaleeyada ama Tuulooyinka hormuudka ah (Model kebeles) iyo goobaha dib u dajinta si hal beegyada caafimaadka deegaan keena kor loogu qaado.

 

Kulanka ayaa socon doona muddo laba maalmood ah. Waxaana la filayaa in natiijo wax ku ool ah ka soo bixi doonto  taas oo gashi u noqon doonta dadaalada loogu jiro kor  u qaadida adeega caafimaadka ee deegaanka.

MW CMC Oo Soo Gunaanaday Kulankii Wadatashiga

$
0
0

Jigjiga ( Cakaaranews ) Khamiis 28ka July 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo soo gunaanaday kulankii wadatashiga xukuumada iyo cuqaasha gaashaamo oo mudo laba maalmood ah socday ayaa mas'uuliyiinta ciidanka difaaca qaranka, ciidanka federal booliska iyo ciidanka gaarka ah ee liyuu booliska kusoo dhaweeyay inay kawarbixiyaan sidii ay udhacday xaaladii jaamac-dubad islamarkaana kacodsaday cuqaasha inay inay iyana soo dhigaan islamarkaana ay kahadlaan.

Hadaba janaraalka ciidanka difaaca qaranka ee kifladoorka 13, aad janaraal khadiir, janaraalka guud ee ciidanka liyuu booliska janaral Cabdiraxmaan Cabdulahi Buraale iyo korneelka ciidanka federal booliska qaybta bari korneel Ababe Berhane ayaa kawarbixiyay sidii ay wax udhaceen oo ahayd in gaadhi kontarabaan ah uu kudhacay ambalastii degmada kadibna ay ciidanka federalka, ciidanka qaranka iyo ciidanka liyuu booliska oo wadasocda ay halkaa u tageen inay soo kaxeeyaan gaadhiga. Waxaana dhexda u galay dablay hubaysan oo kontarabandhistayaal ah si ay gaadhiga uga furtaan ciidanka. Waxayna hub iyo ciidanba kusii abaabuleen qabalaha jaamac-dubad. Halkaas oo ay ciidamada dhufays ugu galeen  islamarkaana ay kuxabadeeyeen.

 Kadibna waxaa kulanka kahadlay cuqaasha gaashaamo oo ugu horayn madaxwaynaha ugu mahadceliyay xaqiiqada warbixintii uu xalay soo jeediyay islamarkaana cadeeyay in warbixinta ay soo jeediyeen mas’uuliyiinta ciidamadu ay tahay mid xaqiiqada kusalaysan oo ciidamada laga gardaraa. Waxayna hoosta kaxariiqeen in ciidanka liyuu boolisku uu yahay ciidan deegaanku wada leeyahay oo xasiliyay nabadgelyada deegaanka islamarkaana aan marnaba qabiil lagu tilmaami Karin. Waxaa kale oo ay suldaamada, ugaasyada, caaqilada, culimo-awdiinka iyo aqoonyahanadu kamarkhaati kaceen horumarka laxaadka leh ee deegaanka kahanaqaaday iyagoo kulankana kutilmaamay mid taariikhi ah iyo in hirgalinta saraynta sharcigu ay tahay mid muqadas ah. Waxayna balanqaadeen inay xukuumada iyo ciidamadaba kalashaqaynayaan dhinacyada amniga, ladagaalanka ganacsiga sharci-darada ah iyo iskuxidhka bulshada iyo ciidamada iyagoo hoos udhaadhicin doona wacyigalin balaadhan ilaa heer tuulo. Waxayna cuqaashu kusoo xidheen hadalkoodii baaq nabadeed iyo codsiyo dhanka horumarinta ah.

Ugudanbayna, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo soo gunaanaday kulanka ayaa soo dhaweeyay baaqa nabadeed iyo codsiyada horumarka isagoo usheegay in iyadoo loo eegayo awooda xukuumada deegaanka lafulin doono codsiyada dhanka horumarka islamarkaana wixii kabaxsan awooda heer deegaan loo gudbin doono xukuumada dhexe. Wuxuuna cuqaasha uga mahadceliyay sidii wanaagsanayd ee ay uga hadleen kulanka islamarkaana wuxuu ilaahay kabaryay inaysan dib danbe udhicin xaaladani. Madaxwaynaha ayaana intaa kudaray in lawada tagi doono degmada gaashaamo oo wacyigalin balaadhan laga samayn doono isagoo gudi usaaray. Wuxuuna hadalkiisii kusoo xidhay amaan balaadhan oo uu usoo jeediyay odayaasha iyo dhamaanba shacabka gaashaamo.kulanka ayaana kudhamaaday guul.

 

 

MW CMC Oo Tababar Usoo Xidhay Dhalinyaradii Soomaaliya

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) jamce, 29ka July 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar  ayaa saaka tababar khibrad wadaag ah oo maalmahanba xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga uga socday dhalinyaro kasocotay dawlada soomaaliya ee aan dariska nahay usoo xidhay isagoo casharana kasiiyay dhinaca ladagaalanka argagixisada.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane CMC ayaa ugu horayn isagoo tusaalaynaya dhalinyarada uga xog-waramay isbadaladii kaladuwanaa ee uu soo maray deegaanku iyo caqabadihii ururada xagjirka ah ay kuhayeen shacabka iyo horumarka deegaankaba. Wuxuuna uqeexay sababihii lagaga gudbay dhibaatooyinkii nabadiidkii caqabada ku ahaa in dadku nolol iyo horumar helo oo habayaraatee aan maanta deegaanka kajirin. Madaxwaynaha ayaana carabka kudhuftay in cadawga 1, aad ee shacabka soomaaliya uu yahay si lamid ah shacabka deegaanka saboolnimada islamarkaana saboolnimada lagaga bixi karo oo kali ah in xukuumada iyo shacabka oo wada jira ay uguntadaan kamidho-dhalinta qorshayaasha horumarineed. Wuxuuna intaa kudaray in lafdhabarta dawlad kasta kudhisan tahay ay yihiin dhalinyaro caafimaad qabta oo aragti shacab, aragti horumarineed iyo kago’naanshiiyo leh. Madaxwaynaha oo hadalka sii wata ayaana usheegay dhalinyarada inaysan al-qushaash waxba dili karin hadii shacabka soomaaliya oo ay uhoreeyaan dhalinyaradu uguntado xasilinta dalkooda. madaxwaynaha ayaana umahadceliyay dawlada jabaan iyo ururka IGAD kaalinta ay kuleeyihiin tababarkan.

Iskusoo wada duuboo, madaxwaynaha ayaa kula dardaarmay dhalinyarada inay casharada ay qaateen ay uga faaiideeyaan bulshada inteeda kale islamarkaana ay kudhiiradaan wacyigalin balaadhan oo dalkoo dhan ah.

Ugudanbayna, dhalinyarada dawlada federalka soomaaliya ee tababarka qaadatay ayaa bogaadiyay khibrada wayn ee ay kakorodhsadeen tababarka islamarkaana uga mahadceliyay xukuumada iyo XDSHSI. Waxayna sheegeen in deegaanku yahay dalkoodii labaad oo uusan tababarkani ahayn dhamaad balse yahay bilow iyagoo kadibna kamarkhaati kacay, qirayna horumarka laxaadka leh ee kahirgalay deegaanka.

 Dhalinyarada ayaana caawa loogu tumi doonaa dhaantooyinkii dhaqanka deegaanka hoolka Kali ee xarunta madaxtooyada.


Tababar Ka Socday Dhabrasayt Oo Soo Xidhmay

$
0
0

 Dhabrasayt ( Cakaaranews ) Jumce 29ka July 2016.Waxaa soo gaba gaboobay tababar ku saabsanaa Hanaanka diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah sida diwaangalinta dhalashada,dhimashada,guurka iyo furitaanka.

Hadaba tababarkan oo magaalada debrasayt ka socday mudo 7 cisho ah ayaa waxaa soo diyaariyay Wakaalada diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah ee JDFI. waxaana tobabarkan loo hayay 9ka dowlad Deegaan iyo 2da ismaamul ee dalku ka koobanyahay iyagoo deegaankena ooga qayb galeen 51 xubnood Oo shaqaaalaha wakaalada diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah ee DDSI oo kakala socday dhamaan Degmooyinka iyo gobolada DDSI.waxaana shaqalahan qaadanayay tababarka  horkacayay maareeyaha Wakaalada diwaangalinta marxaladaha muhiimka ah ee DDSI marwo Aamino Ibraahim oo sheegtay inay Tababarkan ka faa iideen casharo dhaxal gala.

Waxayna maareeyuhu intaa ku dartay in casharada ay qateen ka hirgalin donaan dhamaan deegaanka Somaalida itoobiya iyadoo wakaaladana  degaanka laga aasaasay sanadkan islamrkaana wakiilo ku leh Dhamaan  degmooyinka iyo gobolada deegaanka,

ugu danbayna waxaa dareenkooda ka hadlay qaar Kamid ah shaqaalihii tababarka qaadanayay iyagoo sheegay in mudadii ay tababarka qaadanayeen garteen casharo muhiim ah islamarkaana ugasii fa iidayn doonaan bulshada inteeda kale.

Kulan Qiimayn iyo Tafatirid Lagu Samaynayay Buuga Luuqada Af-Somaliga Ee Heer Diploma

$
0
0

Adhisababa(cakaaranews)Sabti 30ka July 2016. Kulan ay kasooqaybgaleen xubno ka socday xafiisyada iyo kuliyadaha qaarkmida deegaanada dalka islamarkaana qiimayn iyo tafatirid  lagu samaynayay buuga 5aad ee barashada cilmiga luuqadaha 7 luuqadood oo ay kamid tahay luuqada af-soomaaliga kana socday huteel Saro-mariam ee magaalada adhis ababa ayaa maanta lasoogaba gabeeyay.

Hadabab, Kulankan oo ay deegaanka uga qaybqaleen khabiiro kasocday xafiiska waxbarashada DDSI iyo qaar kamid ah barayaasha kuliyda macalimiinta ee (Dr C/majiid) ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay mudane Cabdi Maxamed Xasan (Gurey) khabiirka ABE ee Xafiiska waxbarashada DDSI wuxuuna sheegay in kulankani ahaa mid siwayn loogu qiimeeyay  laguna tafatiray mid kamid ah buugaagta barshada luuqada afka-hooyo(af-soomaali) ee heer diploma. Wuxuuna intaa kudaray khabiirku in kulankani uu san ahayn markii koobaad ee uu kaqaybgalo kulan noocan ah islamarkaana ay siwanaagsn u soo gabagabeeyeen waxqabadkii loosoo idmaday.

Dhanka kale waxa isna dhankiisa ka hadlay khabiirka ka socday waaxda horumarinta manhajka cilmi baadhista iyo imtaxaanaadka heer deegaan  mudane cabdcasiis maxamed baaruud oo sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo diyaariyayaashii iyo qoraayadii buuga isagoo sheegay in iyaguna dhankooda  ay si qodo dheer u sameeyeen tafatirka iyo qiimaynta buugan. Wuxuuna xusay in xubnaha kulankan looguwadayeedhay ay ahaayeen 7 qoomiyadood oo dalka ah islamarkaana ay tafatir iyo qiimayn ku samaynayeen luuqadaha kala ah Af-soomaliga,  Sidaama, Hadisa, Walayta, Amharik, Tigranya, iyo Afaan-oromo.

Waxaa iyana dhankooda kahadlay diyaariyayaashii buugan luuqada afka hooyo ee heer diploma oo ahaa khabiiro kasocday DDSI islamarkaana mudo bil ah kujiray shaqada diyaarinta oo sheegay inay si fiican ulaqaateen wixii laga saxay iyo fikrdaha lagu soobiiriyay aadna ay ugu mahad celinayaan.

Ugu danbayna waxay sheegeen in ay umahacelinayaan wasaarada waxbarashada JDFI oo soo qaban qaabisay kulankan, iyo xafiiska waxbarshada DDSI gaar ahaan G/Socodka TDP iyo waliba haayada RTI Oo iyana dadaal balaadhan ka gaysatay.

Kulan Kadhacay Tuulada Qalloocan

$
0
0

Qalloocan (cakaaranews) sabti, 30ka July, 2016 Wafti uu hogaaminayay gudoomiyaha gobollka Doollo Mudane Maxamuud Cali Axmed oo ay kuwehelinayaan kusimaha gudoomiyaha degmad galaadi Mudane Muxiyadiin Maxamuud Sullub  iyo saraakiil kasocoday booliska gobolka doolo ayaa kulan layeeshay qaybaha kaladuwan ee bulshada kudhaqan degmada Galaadi.

Kulankaasi oo kadhacay tuulada qalloocan oo katirsan  degmad galaadi  ayaa waxay  ujeedadiisu ahayd sidii loo sii dar dargalin lahaa horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban.

Waxaana kulankaasi ugu horayntii kahadlay gudoomiyaha gobolka doolo mudane  Maxamuud Cali Axmed oo sharax dheer ka bixiyay  ahmiyada kulankaasi isagoo sheegay inay tahay sidii loo sii dar dargalin lahaa hawlaha horumarka iyo nabadgalayda. Gudoomiyaha ayaa bulshada u soo bandhigay qorshayaasha xukuumada DDSI udajisan  ee kusalaysan hirgalinta hawlaha horumarka iyo xasiloonida. Gudomiyaha ayaa sheegay inaysan qorshayaashaasi hirgalaynin haddii aan laga qaybgalin oo ayna doorkooda kaqaadan  qaybaha kaladuwan ee bulshada.

Dhankooda qaar kamid ah qaybaha kaladuwan ee bulshada  oo kahadlay kulankaasi ayaa soo dhaweeyay mas'uuliyiinta. waxayna sheegeen inay kasoo baxayaan doorka kaga aadan hirgalinta hawlaha horumarka iyo sii adkaynta hawlaha nabadgalayda iyagoo kamahadceliyay imaanshaha mas'uuliyiinta.

 

 

Xaflad Casho Sharaf ah Oo Loo Sameeyay Dhalinyaradii Ka Socotay Soomaaliya.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) sabti, 30ka July, 2016 Waxaa  xaflad casho  sharaf ah loogu sameeyay hoolka kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI dhalinyaradii  ka socoday dalka  soomaaliya  ee tababarka  khibrad wadaag ah loogu soo gabagabeeyay xarunta deegaanka ee jigjga.

Waxaana ka soo qaybgalay xafladan  casho sharafta ah ee ay xukuumada DDSI ku maamuustay dhalinyaradan qaarka mid ah masuuliyiinta DDSI oo ay ka mid tahay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka  DDSI  marwo Sucaad Axmed Faarax.

Haddaba xafladan  casho sharafta ah ayaa waxaa ka hadashay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka beeraha iyo horumarinta khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax oo sheegtay in ay dhalinyaradu tahay xoog awood badan oo horumar waara ka curin kara  wadanka soomaliya. Madaxwayne ku xigeenka ayaa sheegtay in ay DDSI iyo ta JDFI aad ugu heelan yihiin sidii ay dawlada soomaliya u noqon lahayd dal ay ka hirgasho nabadgalyo buuxda  iyo horumar waara  islamarkaana laga soo afjaro kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaalaysanaya soomaliya.

Dhankooda dhalinyaradan ayaa u mahad celiyay xukuuamda DDSI sida meeqaam ka sare ah ee loogu soo dhaweeyay deegaanka iyo munaasabadan casho sharafta ah ee lagu maamuusay. waxayna sheegeen in ay siwayn u soo jiitay  horumarka xawliga ah ee ka hirgaliya xukuumada DDSI waxayna dhalinyaradani sheegeen in ay aqoon korodhsigii iyo cilmiga ay ka heleen  deegaanka somalida itoobiya  ay u noqonayso gashi ay wax kaga badalikaraan hawlaha horumarka iyo nabadgalyada wadanka soomaliya.

 

Waxaa kale oo qayb ka ahayd xafladan casho sharafta ah  dhaantooyin iyo heeso  ay Kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI ugu talagaleen  dhalinyaradan taasi oo  aad u soo jeedatay dhalinyaradan loo sameeyay xaflada.

MW CMC Oo Ukicitimay Xarunta Dalka

$
0
0

Adhisababa(cakaaranews) Isniin, 1da August, 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga uga kicitimay dhanka xarunta dalka ee adhisababa isagoo wakhti xaadirkan kadagay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee Addisababa Bole International Airport.

Hadaba madaxwaynaha iyo mas’uuliyiin wehelinaysa ayaa xarunta dalka kaga qaybgali doona shirar heer qaran ah.

Wixii faah-faahin ah kala soco wararka danbe ee www.cakaaranews.com

Shir Lagu Qiimaynayo Waxqabadka Dib U Dajinta Oo Ka Furmay Jigjiga

$
0
0

Jigjia(cakaaranews) Isniin, 1da August, 2016.  shir lagu qiimaynayo waxqabadkii iyo geedi socodyada fulineed ee qorshaha dib u  dejinta iyo nidaamka  adeeg bixinta horumarka aas aasiga ah ee  goobaha dib u dajinta looga sameeyay bulshada  ayaa ka furmay hoolka shirarka  xafiiska waraabka iyo horumarinta  dooxooyinka DDSI.

 shirkan qiimaynta ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socoday wasaaradaha heer fadaraal ee taageerada gaarka ah siiya degmooyinka laga wado dib u dajinta, iyo masuuliyiin ka socotay xafiisyada DDSI ee bahwadaagta ku ah fulinta qorshaha  dib u dajinta. kuwaasi oo ay ka mid yihiin xafiiska waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI, caafimaadka. waxbarashada, beeraha, biyaha  , xafiiska  xoolaha, xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI iyo xarunta dhexe ee XDSHSI.

Shirkan qiimaynta ah ayaa waxay  ujeedadiisu ahayd sidii diirada loogu saarilahaa  natiijooyinka waxqabadka iyo fulinta qorshayaasha dhinaca dib u dajinta ee sanad miiyaaniyeedka 2008TI islamarkaana loogu diyaar garoobayay hirgalinta iyo ka midho dhalinta qorshaha dib u dajinta 2009TI

Waxaana shirkan qiimaynta ah furitaankiisii ka hadlay wasiirka waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Maxamed Xasan  oo sheegay in uu yahay  mid lagu  qiimaaynta qorashayaasha iyo geedi socodyada  lagu xaqiijinayo  gaadhista natiijada  fulineed ee dhinaca dib u dajinta. wuxuuna tilmaamay wasiirku in mudada uu shirkani  socda lagu soo bandhigidoono warbixinta waxqabadka xafiisyadani  ka qabteen fulinta qorshihii u yaalay 2008TI. Gaar ahaan adeegyada aas aasiga ah ee la gaadhsiinayo bulshada la dajiyay goobaha  dib u dajinta sida adeega caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.

Shirkan qiimaynta ah oo socon doona mudo 2 maalmood ah ayaa waxa lagu eegidoonaa natiijada warbixinta waxqabadka qorshaha la qiimayana ee  ay soo bandhigaan xafiisyadan loo qaybtay shirka. Sidoo kale waxaa lagu eegidoonaa geedi socodka iyo fulinta qorshaha 2009TI iyada oo tusaale iyo waayo aragnimo laga qaadanayo  qorshihii sanadkaasi  hore.

 

 

Qurba Joog Booqatay Gobolka Doolo.

$
0
0

Wardheer(cakaaranews) talaado.  2da August, 2016. Qurba joogta ka soo jeeda DDSI  ee  ka soo qaybgashay kulan waynihii  todobaadka qurba joogta DDSI ayaa markii la soo gabagabeeyay kulanwaynihii waxay booqasho ugu kala baxeen gobolada iyo degmooyinka  deegaanka. kuwaasi oo maalmahan booqanayey  mashaariicaha waawayn ee laga hirgaliyay deegaanka.

Hadda wafti qurba joog ah,  oo ka soo jeeda DDSI gaar ahaan gobolada qoraxay iyo Doolo  oo  ay hogaaminaysay wasiirka haweenka iyo caruurta  DDSI marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe  oo booqasho ku maray qaarka mid ah degmooyinka gobolka qoraxay islamarkaana soo indha indheeyay marshaariicaha horumarineed ee laga hirgaliyay degmooyinka  Gobolka Qoraxay ayaa gaadhay Gobolka Doolo.

Waftigan ayaa markii ay gaadheen gobolka doolo siwayn loogu soo dhaweeyay degmada wardheer ee xarunta gobolka doolo  halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta gobolka oo uu ka mid yahay gudoomiyaha gobolka Doolo  mudane Maxamuud Cali Axmed , kuwa degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waftigan qurba joogta oo kulamo la yeeshay bulshada ku dhaqan degmada wardheer ayaa kulankaasi ka dib u anbabaxay degmooyinka la helow yucub, Daraatoole iyo degmada Danood. Waxaana  hor kacayey  wasiirka haweenka caruurta iyo dhalinyarada DDSI marwo raxma suldaan maxamuud haybe, iyo gudoomiyaha gobolka doolo mudane maxamuud cali axmed. Waxayn booqdeen dhamaan mashaariicaha horumarineed ee laga hirgaliyay degmooyinkaasi

 

qurba joogtan ayaa siwayn ugu bogay horumarka balaadhan iyo xasiloonida taamka ah ee ka hirgalay deegaanka  waxayne sheegeen in ay soo arkeen mashaariico waawayn gashi u noqday  bulshada deegaanka.  waxayna qurba joogtani siwayn ugu mahad celiyeen xukuumada DDSI ee dadaalka dheer u gashay hirgalinta horumarka iyo xasiloonida deegaanka  iyo waliba  bulshada deegaanka ee sida balaadhan uga qayb qaadanaysa dhankooda hirgalinta qorshayaasi.


MW CMC Oo Harar Kaga qaybgalay Shir Kusaabsanaa Strategyada TVETka

$
0
0

Harar ( Cakaaranews ) Isniin, 27ka June 2016. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka xarunta deegaanka hararida ee magaalada harar kaga qaybgalay shir kusaabsanaa strategyada TVETka oo fahan buuxa laga siinayay hogaaminta dawlad deegaanada Canfarta, Benishangul, Hararida iyo deegaanka soomaalida oo kadhacay xarunta madaxtooyada harar.

Shirkan oo soconaya mudo 2bari ah ayaa waxaa furay wasiiru dawlaha wasaarada TVETka mudane Tashome Lemma oo sheegay in strategyadan horumarinta xirfadaha iyo farsamadu ay tahay mida ugu sahlan ee lagu taabagaliyo horumarka islamarkaana hirgalisa gaadhida yoolasha iyo higsiga nidaamka warshadaha isagoo carabka kudhuftay in dhagaysashada casharada kadib ay jiri-doonaan doodo iyo falanqayn kusaabsan strategyada laqaatay. Waxaa kale oo uu wasiiru dawluhu intaa kudaray in shirkan lagu eegi doono kadal ahaan waxa inooga qorshaysan qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaalaha wajiga 2, aad ee dhanka horumarinta xirfadaha iyo farsamooyinka.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kadib markuu hogaaminta dawlada deegaanada heerkooda kaladuwan kalaqaybgalay furitaankii shirkan dib ugu soo laabtay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Dhismayaal Goobo Ganacsi ah oo Xadhiga Laga Jaray.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) talaado, 28ka June, 2016 Waxaa xadhiga laga jaray   4 masharuuc oo ah  dhismayaal loogu talagalay  ganacsiga yar yar ee xaafadaha maamulka magaalada jigjiga  kuwaasi oo qayb ka  ah mashaariicaha sanadkan 2008TI uu hirgalinayay xafiiska waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI.

Mashaariicahan dhismayaasha ah oo laga hirgaliyay goobo ka mid ah xaafadaha maamulka magaalada jigjiga ayaa waxaa si wada jir ah xadhiga uga jaray wasiirka xafiiska waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI mudane Suldaan Khayre, maayirka maamulka  magaalada jigjiga mudane Axmed Maxamuud iyo wasiir ku xigeenka xafiiska dhalinyarada iyo ciyaaraha DDSI mudane Cabdishakuur Cismaan.

Wasiirka xafiiska waraabka iyo horumarinta dooxooyinka DDSI mudane suldaan khayre oo xadhig ka jarkii ka dib la hadlayay warbaahinta DDSI ayaa sheegay in qayb ka yihiin  30 mashruuc oo ah dhismayaal loogu talagalay ganacsiga yar yare ee lagu horumarinayo iskaashatooyinka yar yar ee dhalinyarada DDSI laguna dhimayo shaqo la aanta iyo saboolnimada  kuwaasi oo laga hirgalinayo maamulada magaalooyinka DDSI.

Waxaa kale oo uu sheegay wasiirku in mashaariicahan oo ahaa mashaariicihii sanad miisaaniyeedka 2008TI ay ahaayeen kuwa marka koowaad shaqo abuur u noqday iskaashatooyinka dhalinyarada fursado shaqana ay ka heleen dhalinyarada xiligii ay dhismayaasha socdeen sidoo kalena ay u noqon doonaan goobo ganacsiyada yar yar ay ka  faa’iidaysan doonaan iskaashatooyinka dhalinyarada DDSI   

 

  

Guryo iyo Dhul Beereed Lagu Wareejiyay Shacabka Ay Abaaruhu Saameeyeen.

$
0
0

Gabi(cakaaranews), Arbaca, 29ka, June, 2016 Bulshadii ay abaaruhu hore u saameeyeen ee ku dhaqanaa tuulooyinka hoos yimaada degmada hadhagaale ee gobolka Siti ayaa si heer sare ah loo dajiyay qabalaha Gabi oo ah goobta ay xukuumada DDSI ugu samaysay guryo ay galaan iyo dhul beereed ku yaalo wax soo saarka kala duwan ee dalaga.

Haddaba gudoomiyaha degmada hadhagaale mudane Khadar  Abiid oo u waramayay shabakada wararka ee cakaaranews xili ay  ku wareejinayeen  bulshada guryaha iyo dhul beereedka ayaa  waxa uu  yidhi”  Waxaa noo qorshaysnaa  in la dajiyo  1,000 oo qays  kuwaasi oo  laga soo kala raray qabaleeyada degmada hadhagaala waana shacabkii ay abaartu saamaysay waxaa loo diyaariyay 1,000 Guri iyo 1,000 hector oo dhul beereed ah loona qoday oo uu ku yaalo dalagii ayaan  maanta  ku wareejinaynaa shacabka”.

Waxaa kale oo uu sheegay gudoomiyuhu  in shacabkan lagu wareejiyay  guryo dhamays tiran  iyo  dhul beereed  uu hadda ka soo go’ayo  waxsoosaarkii beeraha oo kala  Galay iyo  Calafka Xoolaha/ Sudan grass. Sidoo kale hanaanka dhulka loogu qaybiyay bulshadan ay abaaru saamaysay ayaa ahayd  mid lagu saleeyay habka  bakhtiyaanasiib ah si shacabka loogu sameeyo cadaalad.

Waxaa kale oo xusid mudan in goobahan la dajiyey shacabka ay abaaruhu saameeyeen oo ah laba goobood  loogu  diyaariyay guud ahaan adeegyadii aasaasiga ah sida  Dugsigii waxbarashada, Rugo caafimaad biyo galin kumeel gaadh oo ay degmada hadhagaale u samaysay.

 Isku soo wada duub barnaamijkan  shacabka loogu sameeyay dajinta ayaa  qayb ka ah qorshayaasha iyo  dadaladada  ay xukuumada DDSI  ugu jirtay samata bixinta shacabkii ku waxyeeloobay abaartii ay sababtay isbadalka cimilada aduunku ee ku dhaqan gobolka siti.

 

 

Tababar Ku Saabsan Hirgalinta Qorshaha Caafimaadka Oo La Soo gabagabeeyay.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews) Arbaca, 29ka June, 2016 Waxaa la soo gabagabeeyay tababar mudo 6 maalmood ah u socday hogaaminta caafimaadka degmooyinka iyo maamul magaalooyinka oo ay ka mid yihiin madax xafiisedyada caafimaadka degmooyinka khabiirada caafimaadka iyo masuuliyiinta xarumaha caafimadka degmooyinka.

Tababarkan oo ay ujeedadiisu ahayd diyaarinta iyo fulinta qorshaha caafimaadka ee sanad miisaaniyeedka 2009TI iyo sidii looga midho dhalin lahaa hiigsiga qorshaha koboca cafimadka(HSTP)  waxaana  xafladii lagu soo xidhayay ka soo qaybgalay masuuliyiin ka mid xafiiska caafimaadka ee DDSI.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay soo xidhitaankii tababarkan agaasinka waaxda qorshaynta xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil wuxuuna sheegay in mudadii uu socday tababarkani lagu kala qaadanayay nidaamyada  fulinta shaqooyinka iyo qorshayaasha wakhtigooda,ka hortaga iyo fulinta barnaamijka  wacyigalinta cudurada faafa,  habka abuurida shaqada oo leh wadashaqayn,ka go’naansho, isla xisaabtan, cad-cadaan iyo ka qaybgal. Wuxuna ku booriyay masuulku in hogaaminta caafimaadka degmooyinku hirgaliyaan islamarkaana ka midho dhaliyaan siyaasada caafimaadka deegaanka iyo dalka isla markaana  ay yeesheen qorshe dhamays tiran.

Dhankiisa waxaa ka hadlay gadhwadeenka geedi socodka kor u qaadida caafimaadka,ka hortaga cudurada  iyo fayo dhawrka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Caydaruus Axmed wuxuuna ka warbixiyay jihooyinka horumarineed xafiiska caafimaadka DDSI iyo in hogaaminta caafimaadka heer deegaan iyo heer degmo looga baahan yahay hirgalinta qorshayaasha caafimaadka ee hoos loogu dhimayo dhimashada hooyada iyo dhalaanka ka hortaga cudurada faafe ee naafowga ah iyo kor u qaadida heerka caafimaadka ee shacabka deegaanka  iyada oo la adeegsanayo xidhmooyinka ka hortaga, xakamaynta daryeelka iyo soo celinta awooda caafimaadka ee qofka.

Ugu danbayntii  hogaminta caafimadka, hawlwadeenada caafimaadka, khabirada cafimadka iyo masuuliyiinta heer deegaan ee xafiiska caafimaadka DDSI ayaa  wacad ku maray  in ay  hirgalinayan qorshaha sanadedka cafimadka ee 2009 TI si looga midho dhaliyo hiigsig qorsha koboca cafimadka(HSTP).

 

 

Ogaysiis Muhiim Ah Jaaliyada DDSI.

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)  khamiis, 30ka June 30, 2016  dhamaan qurba joogta ka soo jeeda   deegaanka somalida itoobiya  ee ku sugan wadanka gudihiisa  Waxaa la ogaysiinayaa in ay iska soo diwaan galiyaan wakaalada xidhiidhka arimaha qurba joogta DDSI.

Ogaysiiskan ayaa waxa ay muhiimadiisu tahay maadaamo oo ay fooda inagu soo hayso kulan waynihii qurba joogta DDSI oo dhawaan ka dhacaya xarunta deegaanka ee jigjiga. Haddaba diwaan galintu waxa ay ka socotaa xafiiska xidhiidhka arimaha qurba joogta DDSI.  

Viewing all 131746 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>