jigjiga(Cakaaranews) khamiis, 19ka April, 2018. Xukuumada deegaanka soomaalida itoobiya iyo XDSHSI oo ay ugu horeeyaan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo af-hayeenka golaha xildhibaanada ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid isaaq ayaa waxay hambalyo iyo bogaadin udirayaan labada mas'uul ee kasoo jeeda XDSHSI ee maanta xilalka miisaanka culus leh loo magacaabay waa mudane Axmed Shide oo loo magacaabay af-hayeenka dawlada federalka(communications affairs minister) horayna u ahaa wasiirka wasaarada gaadiidka JDFI oo ah rug cadaa aqoonyahanka faro-kutiriska ah ee dalka itoobiya kamid a, lehna aqoon heer sare ah, khibrad gaamurtay oo ay weheliso bisayl siyaasadeed, iyo marwo Ubax Maxamed Xuseen Giire oo ah mas'uul aqoon heer double master ah leh oo ay udheer tahay karti, firfircooni iyo xilkasnimo lehna aragti-shacab horayna usoo ahayd kuxigeenka commissionka xuquuqul-insaanka dalka, shaqooyin kaladuwana kasoo qabatay deegaanka oo loo magacaabay wasaarada science and information communications technology. Waxaana xusid mudan in XDSHSI uu soo dhigay islamarkaana uu ugudbiyay xafiiska xisbiga EPRDF iyo gaar ahaan raisal wasaaraha dalka. mas'uuliyiintan ayaana door muhiim kuyeelan doona nidaamka hogaamineed ee dalka.
Hadaba, xukuumada deegaanka oo uu ugu horeeyo MW CMC ayaa waxay urajaynayaan uguna ducaynayaan mas'uuliyiintan lamagacaabay in xilka ilaahay ku asturo isagoo madaxwaynuhu dhanka kale umahadceliyay xisbiga EPRDF oo uu ugu horeeyo raisal wasaaraha dalka Dr. Abiyi Ahmed ahmiyada uu siiyay aqbalaada codsigii kayimid XDSHSI in qaabkii ay ahayd loo dhigo.
Ugudanbayna, mudane Cabdifataax Sheekh Cabdulaahi ayaa lagu wadaa inuu noqdo xafiiska imbaa-dhabaaqiiga(OMBUDSMAN) oo uu XDSHSI ugudbiyay raisal wasaaraha si loogu soo magacaabo.