Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

MMJ Iyo Darawalada Bajaajta iyo Forsida Oo Kulan wacyigalin ah Loo qabtay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Axad, 15ka April 2018. Kulan wacyi galin ah oo kusaabsan nidaamka iyo ilaalinta shuruucda wadida bajaajta iyo waliba kashaqaynta nabadgalyada magaalada jigjiga islamarkaana ay kasooqaybgaleen maayorka magaalada jigjiga Gadhwadeenka G/S Gaadiidka MMJ iyo waliba dhamaan darawalada gaadiidka bajaajta iyo foorsida ayaa kaqabsoomay magaalada jigjiga.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa ugu horayn furitankiisii kahadlay Maayorka MMJ Mudane Ibraahim Maxamuud Mubaarak oo sheegay in kulankani yahay mid wacyigalin ah islamarkaana lagaga wadahadlayo u hogaansamida shuruucda darawalnimo. Wuxuuna maayorku intaas kudaray in bajaajlayaasha looga baahan yahay in si taxadar leh oo sharciga waafaqsan ay u wadaan gaadiidka islamarkaana ay naftooda iyo dadka ay wadaanba ilaaliyaan. Wuxuuna kula dardaarmay dhamaan wadayaasha bajaajta iyo forsiga magaalada jigjiga in ay lashaqeeyaan hay’adaha amniga ee magaalada jigjiga islamarkaana wixii amnidaro ah ee ay la kulmaan soo wargaliyaan hay’adaha aminiga MMJ.

Dhankakale, kulankan wacyigalinta ah ayaa waxay darawlada bajaajta iyo forsigu balan qaadeen in maanta laga bilaabo ay si fiican u dhawrayaan shuruucda darawalnimo islamrkaana ay hay’adaha nabadgalyada  kala shaqaynayaan wixiin amnidaro wada ee ay la kulmaan.

Ugudanbayna, kulankan oo socday mudo hal maalin ah ayaa jawi wanagsan oo farxadi kudheehan tahay ku soo dhamaaday


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>