Addis-abab,(cakaaranews),Axad,15ka April , 2018. Jamuuriyada dimuqraadiga faderaalka itoobiya ayaa waxay muujisay ka go’aanshaheeda sidii ay u xaqiijin lahayd ka qaybgalka iyo u faa’iidaynta dhalinyarada, waxayna maanta qabatay JDFI kulanwayne wadatashi oo ay ka soo qaybgaleen in ka badan 25 kun oo ah ergooyinka matalaya qaybaha kala duwan ee qoomiyadaha dalka itoobiya, madaxda JDFI, madaxwayne-yaasha Dawlad deegaanada dalka oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.
Haddaba, raysil-wasaaraha dalka Dr Abiyu Ahmed ayaa maanta khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka soo jeediyay kulanwaynihii wadatashiga faderaalka iyo qoomiyadaha kala duwan ee dalka isaga oo sheegay in xukuumadiiska ka go’antahay sidii fursadaha ugu badan ee ka qaybgalka dhalinyarada looga faa’iidayn lahaa horumarka iyo arimaha siyaasada raysul wasaaraha ayaa sheegay in dawladiisu ay ka shaqayndoonto sidii ay dhalinyarada uga saarilahayd caqabadaha soo wajihi kara islamarkaana si fir fircoon looga faa’iidaynayo shaqo abuurka taasi oo noqon-doonta anjandaha furaha u ah waxqabadka dawlada raysalwasaarah ayaa dhalinyarada ku booriyay in ay dhalinyaradu noqdaan kuwa xoogooda iyo aqoontoodu u adeegsada dhinaca wanaagsan islamarkaana ay garab iyo gaashaan u noqdaan dadaalada kor loogu qaadayo koboca dhaqaalaha dalka laguna tir-tirayo saboolnimada. Raysilwasaaraha ayaa dhinaca kale ka warbixiyay in ay dawlada si dhaw ula shaqayndoonto xisbiyada mucaaradka dalka iyo ka qaybgalinta talooyinka qaran ee lagu dhisayo danta qaran ee danwadaagta ah taasi oo loomarayo wada xaajood iyo wadahadalo lala yeelandoono xisbiyada mucaaradka dalka.
Dr abiyu ayaa kulankan ku tilmaamay in mid taariikhiya islamarkaana dulucda uu xambaarsan yahay tahay sidii siwada jir ah oo isjacayl iyo isku soo dhawaansho leh dawlada ay ugala shaqayn lahaayeen qoomiyadaha iyo shucuubta dalku dhismaha adkaynta nabada, dimuqoraadiyada iyo danwadaagnimada qaran ee ay wada leeyihiin shacabwaynaha dalka si loogaadho himilooyinka iyo yoolasha si loo helo dawlada ka midho dhalisa adkaynta maamulka suuban oo si deg deg ah uga jawaaba su’aalaha ka imanaya shacabka iyo kobcinta kor u qaadista kaabayaasha dhaqaalaha,
Ugu dambayn raysil wasaraha ayaa sheegay in la sii xoojindoono axdiga midnimada, isjacaylka iyo nabadkuwadanoolaanshaha qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya iyo waliba in doorashada xigta ee dalka ka dhicidoonta ay noqondoonto mid go’aaminteeda ay leeyihiin mid u taala shacabwaynaha dalka oo si xor iyo xalaal ah codkooda ugu muujiyaan cida ay door bidaan taasina tahay halbeega lagu cabiro dimuqoraadiyada iyo sinaanshaha uu daleeyahay.