Jigjiga(Cakaaranews) Axad 15ka April 2018. Xafiiska kahortaga iyo udiyaargarawga masiibooyinka DDSI ayaa ugu baaqay guud ahaanba bulshada deegaanka gaar ahaan bulshada ku nool gobolada faafan, jarar, Daawa iyo shabeele ee degan kana agdhaw goobaha, wabiyada, togaga, laagaha iyo dooxooyinka in ay ka taxadaraan saamaynta ka dhalan karta fatahaadaha roobabka gu’ga maadaamo oo ay sadaasha hawadu sheegayso in horaantan bishan April ay gobolada uu joogoodu hooseeyo uu ka da’ayo roob badan islamarkaana ay ka dhalan karaan fatahaadyo.
Hadaba agaasinka waaxda digniinta hore ee xafiiska kahortaga iyo udiyaargarowga masiibooyinka DDSI mudane Cabdi Axmed Maxamed ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan gobolada faafan, jarar, daawa iyo shabeele islamarkaana degan kana agdhaw goobaha wabiyada, togaga, laagaga iyo dooxooyinka inay ka taxadaraan kana fogaadaan goobahaas maadaamo oo uu ka dhalan karo fatahaadyo wax yeelayn kara naf iyo maalba, wuxuuna agaasinku intaa ku daray in guud ahanba bulshada ku dhaqan deegaanka looga baahnyahay in ay kaa faaiidaystaan xili roobeedkan islamarkaana u diyaargaroobaan inay ku foorarsadaan dhulka oo ay beertaan dhulkeena dihan ee ku haboon waxsoosaarka dalaga kaladuwan.