Jigjiga(cakaaranews)Axad, 15ka April 2018. Waxaa garoonka diyaardaha ee garaad wiilwaal si diiran loogu soo dhaweeyay wafti balaadhan oo uu horkacayo wasiirka xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna madaxa arrimaha xisbiga ee Xarunta Dhexe ee XDSHSI oo ay waheliyaan qaarkamid ah mas’uuliyiinta jaaliyada wadanka swenden iyo waliba fanaanka soomaaliyeed ee DJ subeer. Iyadoo waftigana ay sii diiran garoonka ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin uu horkacayo lataliyaha madaxwaynaha ee dhinaca cabashooyinka ahna wasiirka xafiiska arrimaha qurbajoogta DDSI.
Hadaba, soo dhawayn kadib ayaa waxaa warbaahinta lahadlay Wasiirka Xafiiska Ganacsiga Gaadiidka Iyo Warshadaha DDSI Ahna Madaxa Arrimaha Xisbiga Ee Xarunta Dhexe XDSHSI Mudane Khaddar Cabdi Ismaaciil Oo sheegay in si qurux badan oo farxadi kudheehan tahay uu ugu soo dhamaaday socdaalkoodii iyo hawlihii muhiimka ahaa ee ay utageen xarunta wadanka Sweden ee magaalada Stockholm. Wuxuuna mahadcelin balaadhan usoojeediyay jaaliyada wadanka Sweden iyo dhmaan qurba joogta DDSI ee wadanka yurub kudhaqan iyo caalamka intiisa kalaba. Wuxuuna si gaara ugu mahadceliyay qurbajoogtii meelaha fog fog uga timid islamrkaana kala sooqayb galay xafladii heerka saraysay ee xuska sanadguurada 20aad ee kasoowareegtay aasaaski XDSHSI ee kadhacday magaalada Stockholm..
Sidookale, Lataliyaha Madaxwaynaha Ee Arrimaha Ee Dhanka Cabashooyinka Ahna Wasiirka Xafiiska Arrimaha Qurbajoogta DDSI Mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo isna dhankiisa kahadlay ayaa sheegay in maanta ay soo dhaweeyeen wafti balaadhan oo uu horkacayo wasiirka xafiiska ganacasiga gaadiidk iyo warshadaha DDSI mudane khaddar cabdi ismaaciil iyo waliba masuuliyiinta jaaliyada wadanka Sweden oo ay kamid yihiin gudoomiyaha jaaliyada Sweden mudane Xayi iyo gudoomiye kuxigeenka jaaliyada Sweden mudane cadaani. Wasiirka oo hadlkiisa sii wata ayaa sheegay in mas’uuliyiintani ay yihiin masuuliyiin aad qaali ugu ah deegaanka.
Dhankakale, gudoomiyaha jaaliyada Sweden mudane Xayi, Gudoomiye kuxigeenka jaaliyada Sweden mudane cadaani, xoghayaha gurtiga jaaliyada North America mudane siyaad iyo waliba fanaanka DJ subeer oo iyana dhankooda kahadlay ayaa sheegay in aad ugu faraxsanyihiin booqashadoodan ay kuyimaadeen xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga aadna ay ugu mahadcelinayaan masuuliyiintii sida heerka sare ah usoo dhawaysay ee uu ugu horeeyo lataliyaha madaxwayanaha ahna wasiirka xafiiska arrimaha qurba joogta DDSI mudane Cabdirisaaq saxane.
Ugudanbayna, masuuliyiintan qurbajoogta ah ayaa sheegay in maanta dareenkooda farxadeed aysan qiyaasi Karin islamarkaana ay aad ugu farxsanyihiin imaanshaha ciidooda hooyo ee ay kuyimaadeen xarunta deegaanka ee magaalada Jigjiga waxayna amaan usoojeediyeen wasiirka xafiiska ganacasiga gaadiidka iyo warshadaha oo 2dii 7aad ee udanbeeyay kalaqaybqaatay xuskii sanadguurada 20aad ee kasoowareegtay aas-aaskii XDSHSI ee kadhacday magaalada stockholm.