Image may be NSFW.
Clik here to view.Addis-ababa,(cakaaranews),sabti, 14ka April , 2018. Waxaa maalinta barito ah si rasmiya uga furmaya xarunta dalka ee Adis-ababa shirwaynaha wadatashiga faderaalka iyo qoomiyadaha kala duwan ee dalka, Waxaa soo galay caasimada dalka ee adis-ababa dhamaan ergooyinkii ka socday 9ka deegan ee dalka iyo 2da maamul maagalo iyada oo ay xusid mudan tahay in ergooyinka ka socday DDSI ee shalay galabnimadii ka soo anbabaxay caasimada deegaanka ee jigjiga ay saaka subaxnimadii soo galeen caasimada dalka ee adisababa,
Shirwaynaha wadatashiga faderaalka iyo qoomiyadaha ayay ujeedadiisu tahay sii adkaynta wada noolaanshaha qowmiyadaha kaladuwan ee dalkeena iyo sidii loo sii xoojin lahaa dhidibadana loogu aasi lahaa nidaamka federalismka ah ee kudhisan sinaanta, midnimada, cadaalada, horumarka, nabadgelyada iyo maamulka suuban iyo waliba taaba galinta istaraatajiyadaha iyo jihooyinka horumarineed ee dalka.