Jigjiga(cakaaranews)Jumce, 13ka April 2018. Bulshada qaybaheeda kaladuwan ee ay ugu horeeyaan culimo awdiinka ayaa si balaadhan usoo dhaweeyay in deegaanka soomalida itoobiya uu afjaro isir soocii soomaalida kadhaxjiray iyo dhaqankii xumaa ee kusalysnaa takoorka.iyadoo habeen hore ay kaqabsoontay magaalada jigjiga aroos loogu magacdaray arrooskii qarniga qaybtiisa 2aad kaasoo ay iskuguurasdeen 29 lamaane oo isugujira beesha gabooye iyo qabaailada kale ee soomaalida ee wada dega DDSI.
Hadaba, bulshada qaybaheeda kaladuwan ee ay ugu horeeyaan culimo awdiinka ayaa sheegay in arrintani aytahay arrin ugub ah islamarkaana ay kasoomaxaatay fikirka saliimka ah ee madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi maxamuud cumar islamarkaana ay kutaageereen culimadii iyo waxgaradka deegaanku. Waxayna xuseen in arrintani ay tahay arrin lagu tirtiray dhaqan gumaysigii islamrkaana ay aad usoodhawaynayaan. Culimada ayaa tilmaamay in arrintan takoorka ama hayb sooca qabiilka gabooyaha ay ahayd arrin aad ukhaldan diiniyan iyo dhaqaniyanba. Waxayna culimadu duco balaadhan usoojeediyeen xukuumada DDSI iyo waliba laamanayaasha iscalmaday oo sheegay inay noqdeen horseedkii dhaqankan lagujabiyay.
Dhanakale, bulshada qaybaheeda kaladuwan ee kudhaqan magaalada jigjiga oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in arrintani ay ahyad is gumaysi dhexyaalay buslhada soomaalida ah meelwalba poo ay joogaan maantana ay ilaahay ugu mahadinayaan marba hadii ciida lagu rugay dhulkana hoosta lagmariyay dhaqankii xumaa ee istakoorka. Waxayna mahadcelin usoo jeediyeen xukuumada DDSI ee uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxmuud Cumar.
Iskusoowada duuboo,arrinta ayaa timid kadib markii madaxwaynaha DDSI uu kudhawaaqay in ay fikirka isirsooca ama dhaqan gumaysiga ee kadhax jira umada soomaalida ah meelwalbaba ha joogaane ay tahay dhaqan aad uxun islamarkaana diinta iyo bani’aadanimaduba aysan ogalayn in is kala takooraan dadwalaalo ah oo isku Diin, Isku dhaqan iyo isku afba ah. Kadibna wadatashiyo kaladuwan ay xukuumada DDSI layeelatay culimo-awdiinka waxgaradka deegaanka, la iskulana qaatay in arrintaasi tahay arrin aad muhiim ah hada kadibna aysan dhicidoonin in lais takooro islamarkaana ay san jirin qabiil qabiil kasareeya ama ka fiican.