Adama(Cakaranews) Sabti 14ka April 2018. Madaxwaynaha deegaanka oromada mudane Lemma Megersa oo maanta warbixinta 6dii bilood ee lasoo dhaafay kasoo horejeedinayey Golaha xildhibaanada deegaanka oromada(chafe) ayaa sheegay in Heshiis laga gaadhay khilaafkii iyo iskudhicii udhaxeeyey labada shacab ee deegaanka soomaalida iyo deegaanka oromada,wuxuuna madaxwaynuhu tilmaamay in sharciga lahorkeenayo dadkii dhibaatada sii xumaynayey ee maamulka deegaanka oromada, isagoo madaxwayne lemma sheegay inay labada deegaanba kabarakaceen muwaadiniin tiro badan islamarkaana dajin loo samayn doono.
Mudane lemma magarsa ayaa intaa kudaray inuu deegaanka oromadu aas-aasay gudiga dib u dajinta iyo xaqiijinta barakacayaasha shacabka deegaanada kale udhashay ee Guryahoodii iyo hantidoodii ay kulahaayeen deegaanka oromada laga barakiciyey islamarkaana ay gudigu hadda shaqadoodii guda galeen.
Ugu danbayna madaxwaynaha deegaanka oromada oo la hadlaya golaha iyo shacabkiisa ayaa carabka ku adkeeyay in shacabkiisu ay si fiican ula shaqeeyaan gudiga dibu-dajinta ee la aas-aasay gacana kasiiyaan hawlaha shaqo ay ku guda jiraan islamarkaana ogaadaan in la xaliyay oo lasoo afjaray khilaafkii dhexmaray labada shacab ee walaalaha ah, isagoo madaxwaynuhu xusay in labada shacab ee oromada iyo somalida ay yihiin labo shacab oo walaalo ah oo ul iyo diirkeed ah islamarkaana aan sinaba ukala maarmayn.