Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Wafti Balaadhan Oo U Ambabaxay Xarunta Dalka Ee Magaalada Addis-Ababa

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 13ka April 2018. Waxaa xarunta dalka ee magaalada addis-ababa u ambabaxay wafti balaadhan oo kakooban 500 oo qof oo isugu jira dhalinyaro, odayaal dhaqameed, dumar, shaqaalaha dawlada iyo kabinetka deegaanka kuwaas oo kaqaybgali doona shirwaynaha wadatashiga xukuumada federalka iyo qoomiyadaha kaladuwan ee dalka oo ay kasoo qaybgali doonaan ergooyin kakala socda sagaalka deegaan iyo labada ismaamul magaalo ee uu kakooban yahay dalkeenu. kaasoo maalinta axada ah kaqabsoomi doona xarunta dalka ee magaalada addis-ababa iyadoo hogaaminta sare ee dawlad deegaanada dalka iyo ismaamuladuna ay kaqaybgali doonaan.

Hadaba shirwaynahan ayay ujeedadiisu tahay sii adkaynta wada noolaanshaha qowmiyadaha kaladuwan ee dalkeena iyo sidii loo sii xoojin lahaa dhidibadana loogu aasi lahaa nidaamka federalismka ah ee kudhisan sinaanta, midnimada, cadaalada, horumarka, nabadgelyada iyo maamulka suuban.

Waxaana xusid mudan in hogaaminta sare ee deegaanka soomaalida oo uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar inay shalay gaadheen xarunta dalka ee magaalada adhisababa iyadoo uu madaxwaynuhu xalay marti-sharafeed ka ahaa munaasabadii casho-sharafta ee loo qabtay xisbiyada siyaasadeed ee dalka, ururada bulshada iyo deeq bixiyeyaasha.

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>