Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Kulan Kusaabsan Badbaadada Hooyada Iyo Qorshaynta Qoyska Oo Ka Qabsoomay Magaalada Jigjiga

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco, 11ka April 2018. Kulan ay si wada jir ah usoo agaasimeen xafiiska caafimaadka DDSI iyo hayada UNFPA islamarkaana ujeedadiisu tahay  diyaarinta qorshayaasha kuwajahan badbaadada hooyada iyo qorshaynta qoyska. Iydoo kulankana ay kasooqayb galeen mas’uuliyiinta xafiiska caafimaadka, maaliyada, xubno kasocday hay’ada UNFDA  iyo waliba qaarkamid ah xafiisyada bahwadaagta la ah ayaa kaqabsoomay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa ka warbixiyay Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDSI Mudane Xasan Ismaaciil Cali oo sheegay in kulankani yahay mid lagu diyaarinayo qorshayaasha ay kawada shaqaynayaan hay’ada UNFPA. Wuxuna intaas kudaray in hayadani ay kalashaqaynayso xafiiska caafimadka adeegyada ku’aadan badbaadada hooyada iyo qorshaynta qoyska islamarkaana ay qadanayaan qorshayaal ay kamdiaysan yihiin. Wuxuuna Wasiirku tilmaamay inhayadan UNFPA ay dhawaan xafiiska kacaawisay 2 ampulenceka. Hadana ay sii labo jibaarayso taageeradhaooda kuaadan adeegyada qorshaynta qoyska iyo hooyada

Sidookale, Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Maaliyada Iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI Mudane Jamaal Faarax Warmooge oo sheegay in kulankani ahaa mid muhiim ah islamarkaana lagaga wada hadlayay sidii looga wada shaqayn lahaa badbaadada hooyada iyo qorshaynta qoyska. Wuxuuna intaas kudaray in kulankan ay kasooqaybgaleen qaarkamid ah masuuliyiinta xafiisyada caafimaadka, maaliyada iyo waliba khabiiro kakalo socday xafiisyada bahwaadta la ah.  Wuxuuna tilmaamay in kulankani markuu dhamaado ay kasoobaxayaan natiijooyin horumarineed kuwaasoo kor uqaadi doona adeegyada ay ubaahnayihiin hooyada iyo waliba qorshaynta qoyska.

Iskusoowada duuboo, kulankan ayaa ah mid lagaga wada arrinsanyo Heerdaboolka caafimaadka deegaanka  gaar ahaan heerka adeega bixinta ku’aadan badbaadada hooyada iyo qorshaynta qoyska. Sidookale kulankan ayaa ah mid qorshe midaysan lagu kalaqaadanayo hayada caalamiga ah UNFPA iyo xafiiska caafimaadka DDSI.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>