Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Degmada Raaso Iyo Dhismaha Hospitaalka Oo Meel Gabagabo Ah Maraya

$
0
0

Raaso(cakaaranews)Arbaco, 11ka April 2018. Waxaa degmada raaso ee gobolka afdheer meel fiican maraya mashaariicaha iyo adeegyada horumarineed ee laga wado degmada raaso kuwaas oo ay ugu horeeyaan dhismaha hospitaalka degmada raaso,  biyo galinta iyo waliba dhismaha mashruuca laydh galinta.

Hadaba, Gudoomiyaha Gobolka Afdheer Mudane Farxaan Cabdi Maajuun oo kormeer hawleed kutagay degmada raaso ayaa sheegay in degmada ay kasocdaan mashaariico waawayn oo uu ugu horeeyo hospitaalka wayn ee degmada raaso kaasoo ah hospital ay kafaa’iidaysan doonaan bulshada degmada raaso iyo nawaaxigeeda. Wuxuuna xusay gudoomiyuhu in degmadu ay horay usii lahayd xarunta caafimaadka degmada  islamarkaana ay soo kormeereen xarunta iyo adeeg-bixinteedaba, wuxuuna tilmaamay in dhismaha mashruuca laydhku uu meel gabgabo ah marayo, sidookalana biyo galinta laga soo jiidayo wabiga iyana ay meel gabagabo ah marayso.  gudoomiyaha ayaana tilmaamay in mashaariicahani ay horumar balaadhan kusoo kordhin doonaan degmada raaso.

Sidookale, Gudoomiyaha Degmada Raaso Mudane Bashiir Cabdi Sahal oo sheegay in hospitaalkani uu dabooli doono baahi badan oo bulshadu ubaahnayd oo ku’aadan dhanka caafimaadka. Wuxuuna intaas kudaray in dhismaha hospitaalkani uu kakoobanyahay 357 qol, islamarkaana uu yahay hospital balaadhan oo si tayo leh loodhisay.

Ugudanbayna, waxa iyana dareenkooda kahadlay shaqaalaha kashaqaynaya dhismaha hospitaalka oo sheegay in hospitaalkani uu yhay horumar usoo korshay, intaas kadibna ay kaheleen shaqo abuur baladhan


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles