Daratoole(Cakaaranews)Khamiis, 5ta April 20-18. Biyo, Baad, Beer, Cilmi iyo Caafimaad ayaa ah mid kamid ah qorshaha Xukuumada DDSI ee sanadkan 2010 T.I loo qaatay in si iskumid ah looga hirgaliyo dhamaan degmooyinka deegaanka DDSI iyadoo qorshahana uu kamid yahay xeeladaha lagu tirtirayo saboolnimada islamarkaana ah mid bulshada deegaanku si fudud ugaga bixi karto saboolnimada kadib markii hirgalintiisa ladhamaystiro. Sidaasi awgeed maamulka gobolka doolo ayaa kormeer indho-indhyn ah kusoomaray qaarkamid ah degmooyinka gobolka doolo ee ay mashaariicuhu kasocdaan.
Hadaba, Gudoomiyaha Gobolka Doolo Mudane Maxamed Kaahin Xoosh oo sheegay in ay meel fiican marinayaan hiragalinta qorshaha BBC ee Gobolka Doolo islamarkaana ay sifiican usocdaan mashaariicihii kaladuwana ee loogu talagalay qorshaha BBC. Wuxuuna intaas kudaray in hada ay kusugan yihiin senetrka karkaar ee hoosymaada Daratoole. Wuxuuna xusay in senterkan si wayn looga sameeyay waxsooar kala duwan oo uu kamid yahay sudan-garaas, laws, xabxab, iyo waliba hadhuudhka noocyadiisa kaladuwan wuxuuna xusay in beerahan loogu talagalay bulshada dajinta loosamaynayo ee looga faaiidaynay barnaamijkan BBC.
Sidookale, Madaxa Arrimaha Xisbiga Gobolka Doolo Mudane Jaabur Shugri Maxamed oo sheegay in si wanaagsan ay ugu socdaan hirgalintii qorshaha BBC islamarkaana goobtani ay tahay goobta ladajinayo 82 qoys oo kamid ah 410 qoys oo loogu talagalay in dajinta loo sameeyo islamarkaana ay u diyaariyeen xoolihii loogu talagalay, beerihii ay kaafaa’iidaysan lahaayeen iyo waliba guryihii iyo agabkii kaladuwanaa ee ay u baahnaayeen bulshadu.
Dhankakale, hirgalinta qorshan “BBC” ayaa ah mid kasocda dhamaan degmooyinka deegaanka iyadoo goobaha aan wabiyadu marina bulshada ladajinayo loo diyaariyay ceelashii biyaha ee ay ugaa faa’iidaysan lahaayeen dhanka waxsoosaarka.
Iskusoowada duuboo, waxaa xusid mudan in bulshada dajinta BBC loo diyaarinayo xarumihii iyo goobihii ay kaheli lahaayeen adeegyada aasaasiga ah ee waxbarashada caafimaadka iyo Hor-beeraha iyo Xoolahaba.