Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Mas’uuliyiin Iskudhaf Ah Oo Kormeer Indho-Indhayn Ah Ku Gaadhay Goobaha Dajinta Ee Gobolka Shabeele Iyo Gobolka Afdheer

$
0
0

Beercaano(cakaaranews)Khamiis, 5ta April 2018.Masuuliyiin isugujira heer dal, heer-deegaan iyo heer gobol ayaa kormeer indho indhayn ah oo kusaabsan xaqiijinta iyo tayaynta adeeg bixinta ee goobaha dajinta kugaadhay sentarada iyo tuulooyinka ladajiyay bulshada ee hoosyimaada degmooyinka katirsan gobolka shabeele iyo Gobolka afdheer.

Hadaba, kormeerkan oo ahaa mid loo dhanaa islamarkaana uu horkacayo Wasiirka Xafiiska Horumarinta Waraabka Iyo Dooxooyinka DDSI Mudane Suldaan Maxamed Xasan ayaa warbaahinta deegaanka uwaramay ayaa sheegay in kormeerkani uu kuqotamay xaqiijinta xaalada guud ee bulshada dajinta, indho indhaynta waxsoosaarka beeraha iyo waliba indho indhaynta xaalada adeegyada aasaasiga ah ee sida biyaha nadiifta ah, waxbarashada iyo caafimaadka.wuxuuna intaas kudaray in kormeerkoodu uu sidookale ahaa taageero siinta degmada iyo qabalaha iyadoo goobaha dajinta laga aasaasayo gudiyadii steering iyo waliba gudiyadii kaladuwanaa ee horumarka. Wuxuna tilmaamay in degmooyinka iyo senteradaba ay siiyeen ‘check Lists’ listiyadii ay kushaqayn lahaayeen oo kusaaaban qorshayaashii shaqada ee 7aad laha iyo bilahaba ahaa.

Sidookale, Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Mudane Maxamed Cabdi Bare oo sheegay in maalmahanba ay kujireen kormeerka goobaha dajinta ee hoos yimaada degmada cadaadle iyo degmada beercaano ee hoosyimaada gobolka shabeele. Wuxuuna intaas kudaray in kormeerkan ay wada fulinayeen kooxo iskudhaf ah oo isugujiray heer federal iyo heerdeegaan islamarkaana uu hogaaminayay wasiirka xafiiska horumarinta waraabka iyo dooxooyinka. Waxayna kormeerkoodan si wayn ugu riyaaqeen nidaamka waxsosaarka bulshada dajinta loosameeyay iyo waliba horumarinta adeegayada aas aasiga ah ee looga faaiideeyay bulshadaasi.

Iskusoowada duuboo, bulshada dajinta loo sameeyay oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay san marnama qiyaasi kari dareenkooda farxadeed. Waxayna timaameen in hada ay galeen nolol balse markii hore aysan wax nolol ah haysanin. Sababtuna aytahay in markii hore ay ahaaayeen dad xoolahooda kolba meel ulaguura. Hadana ay haystaan adeegyadii nolosha oo dhan.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>