Feerfeer(cakaaranews)Axad, 1da April 2018. Mas’uuliyiin isugu jira heer gobol iyo heer degmo ayaa si wada jir ah xadhiga uga jaray xarun caafimaad oo cusub. Taasoo laga dhisay senterka baar-magoog ee hoosyimada degmada feerfeer ee gobolka shabeele.
Hadaba, xadhig kajarkan xarunta caafimaadka oo uu xadhiga kajaray Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Shabeele Mudane Nuur Xayir Qaasim oo ay waheliyaan maamulka degmada feefeer ayaa xadhig kajarka kadib lahadlay bulshadii kasooqaygashay xaflada islamarkaana sheegay in xukuumada DDSI ee uu majaraha u hayo XDSHSI ay dadaal ugu jiraan kajawaabida baahiyaha bulshada ee ay ugu horeeyaan adeegyada aas-aasiga ahi ee uu kamid yahay caafimaadku. Wuxuuna intaa kudaray in xaruntan caafimaadka ee cusub ay tahay mid aad muhiim ugu ah bulshada kudhaqan senterka baarmagoog iyo nawaaxigiisaba. Wuxuuna tilmaamay in xaruntan loo soo dhamystiray dhamaan adeegyadii daawaynta, dhakhaatiirtii, xirfadlayaashii iyo gaadiidkii anbalaaska. Wuxuuna kula dardaarmay bulshada kudhaqan senterkaas in xaruntan caafimaadku ay u tahay horumar balaadhan oo ay maanta nasiib uheleen islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in ay ilaashadaan.
Sidookale, Gudoomiyaha Degmada Feerfeer Mudane Maxamed Cabdi Cabdulaahi Iyo Madaxa Xafiiska Caafimaadka Degmada Feerfeer Mudane Mahdi Cali Xasan oos heegay in senterkan uu yahay senterka ugu balaadhan senterada hoos yimaada degmada islamarkaana ay hoosyimaadan tuulooyin badan. Wuxuuna intaas kudaray in senterkan ay xarun caafimaad ugu dhawayd xarunta caafimaadka ee kutaala degmada feerfeer iyo waliba senterka buur-cukur oo isna ujira oo aad uga fog. Waxayna tilmaameen in xaruntan caafimaadka ee laga dhsiay senterkan ay waxwayn katari doonto dhanka bahida adeega caafimaad ee haystay bulshada kudhaqan senterka baar-magoog.
Ugudanbayna, bulshadii kasooqaybgashay xadhig kajarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay ad ugu faraxsan yihiin xaruntan caafimaadka ee looga dhisay tuuladooda islamarkaana ay karaysanayaan dhibaatooyinkii kahaystay dhanka caafimaadka.