Awbare(cakaaranews)Axad, 1da April 2018. Waxaa degmada Awbare ee katirsan Gobolka faafan ka qabsoomay shir ay kasooqayb galeen mas’uuliyiinta gobolka faafan iyo waliba ururada dhalinyarada ee federeeshinka Gobolka faafan. kaasoo u jeedadiisu ahayd sii xoojinta arrimaha kaqaybgalka dhinacyada horumarka, Nabadgalyada iyo maamulka-suuban iyo waliba sidii dhalinyaradu uga faa’iidaysan lahaayeen fursadaha shaqo islamarkaana uga midho dhalin lahaayeen shaqo abuurkii dhawaan xukuumadu usamaysay.
Hadaba, Gudoomiyaha Gobolka Faafan Mudane Cabdiwali Maxamed Faarax oo sheegay in shirkani ahaa mid wada tashi ah islamarkaana kusaabsan sii xoojinta arrimaha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban. wuxuuna intaas kudaray gudoomiyuhu in shirkan ay u dhanaayeen dhamaan ururada federeeshinka gobolka faafan. Wuxuuna xusay in shirkan si wayn loogaga wada tashaday sidii ay dhalinyardu uga faa’iidaysan lahaayeen fursadaha shaqo ee deegaanka kajira islamarkaana ay uga midho dhalin lahaayeen shaqooyinka ay gacanta kuhayeen ee hada kahor xukuumadu shaqo abuurka ugu samaysay. Sidookale masuulka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in kulankani ahaa shirwayne kaasoo si cadaalad ah loogu doortay labo gudi oo kala ah gudiga fadareeshinka dhalinyarada gobolka faafan iyo gudiga federeeshinka ciyaaraha.
Dhankakale, qaarkamid ah dhalinyaradii kasoo qaybgashay shirwaynahan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin shirwaynahan islamarkaana doorosho cadaalad ah ay kudoorteen labo gudi oo kala ah gudiga federeeshinka dhalinyarada iyo gudiga federeeshinka ciyaaraha. Waxayna dhalinyaradu tilmaameen in shirkan ay faa'iido badan kasoobixi doonto islamarkaana dhalinyardu ay kusii xoojin doonto kafaa'iidaysiga fursadaha shaqo iyo kamidho dhalinta shaqo abuurkii loo sameeyay dhalinyarada.
Iskusoowada duuboo, shirkan oo ay udhanaayeen ururada fadareeshinka ee dhalinyarada gobolka faafan ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan oo farxadi kudheehan tahay.