Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Komishinka Anshaxa iyo La Dagaalanka Musuqa DDSI Oo kulan u Qabtay Gudiyada Anshaxa Ee Xafiisyada Heer Deegaan.

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), jumce, 30ka, March , 2018,Komoshinka anshaxa iyo la dagaalanka musuq maamuqa DDSI oo kaashanaya komishinka anshaxa iyo la dagaalanka musuqa JDFI ayaa kulan wacyigalin ah u qabtay gudiyada anshaxa iyo la dagaalanka musuqa xafiisyada heer deegaan.

Haddaba,Kulankaasi wacyigalinta ah oo ay ujeedadiisu tahay xaqiijinta tirtirida  musuqa, hananka  looga digtoonaado loona  dabagalo Raadadka Musuqa iyo dhibaatooyinka uu musuqu leeyahay ayaa waxaa kulankaasi furitaankiisii ka hadlay komishineerka komishinka anshaxa iyo la dagaalanka musuqa DDSI mudane Maxamuud Cabdiqaadir Maxamuud oo ka warbixiyay  dhibaatooyinka, cawaaqib xumada iyo turaanturooyinka uu musuqu ku keeno taaba galinta qorshyaasha horumarka iyo adeegyada bulshada la gaadhsiinayo komoshineerka ayaa sheegay in uu musuqu yahay aafooyinka xagal daaca ku geena geedi socodka haykalka dawladnimada sidaasi darteed loo baahan yahay in la sii joogteeyo lana xoojiya istaraatajiyadaha lagu tir tirayo musuqa   wuxuuna ku booriyay xubnahan loo qabtay kulanka   in ay fahan buuxa ka qaataan cashirada  iyo aqoonta kale ee ay ku qaadanayaan mudada uu kulankani socdo si looga midha dhaliyo ujeedooyinka laga leeyay kulankan.

Kulankan ayaa waxa  lagaga hadlidoonaa mudada uu socdo afkaarta anshaxa shaqada, micnaha musuqa, hanaanka iyo istaraatajiyadaha lagu tir-tirayo musuqa waxaana mudada uu socto  Casharada ka  Bixindoona  Khabiiro Ku Xeeldheer jihooyinka, tabaha iyo xeeladaha lagu tir-tiro musuqa.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746