Diredawa(Cakaaranews) Jumce 30ka March 2018. Waxaa muaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay abaalmarin la gudoonsiiyay haweenka xaqiijiyay waxsoosaarka beeraha iyo damaanad qaadka cuntada ee kudayashada mudan oo lagasoo kala xulay deegaanka soomaalida, deegaanka hararida iyo ismaamulka diredawa.
Haddaba xalfadan lagu abaalmarinayay hooyooyinka ku guulaystay islamarkaana guulaha kasoo hoyiyay waxsoosaarka beeraha iyo damaanadqaadka cuntada oo sanad walba la qabto ayaa waxaa si wadajir ah usoo diyaariyay wasaarada horumarinta beeraha JDFI, hay’ada caalamiga ahb ee oxifom iyo hay’ada localka ah ee Sera oo si heer sare ah uga dhacday ismaamulka magaalada diredawa waxayna ujeedada munaasabadani ahayd sidii loosii dhiirigalinlahaa hooyooyinka guulaha kasoo hoyiyay waxsoosaarka beeraha iyo damaanadqaadka cuntada.
Waxaana munaasbadan ugu horayn ka hadlay maareeyaha wakaalada iskaashatooyinka ismaamulka diredawa mudane Gabayu Tilahun oo ugu horayn si diirin usoo dhaweeyay hoyooyinka beeralayda ah ee ka kala socdaydeegaanada soomaalida, hararida iyo ismaamulk diredawa, isagoo sheegay inay midani ku tusayso dadaalka ay hoyooyinkani muujiyeen taas oo halkan laga fahmi karo in bulshada dalkeenu xooga saareen waxsoosaarka beeraha islamarkaana saboolnimadka uga bixi lahayn.
Intaasi kadib ayaa waxaa lasoo bandhigay tartankii ay soo galeen hooyooyinka beeralayda ah ee ka socday deegaanka soomaalida, deegaanka hararida iyo ismaamulka diredawa waxaana halkaas abaalmarino isugujira lacag iyo shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay hooyooyinkii guulaha kasoohoyiyay waxsoosaarka beeraha.
Ugu danbayna waxaa dareenkooda ka hadlay qaarkamid ah hooyooyinkii ku guulaystay abaalmarintan oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin abaalmarintan ay wasaarada horumarinta beeraha iyo hay’adahan gudoonsiiyeen islamarkaana ay dadaalkooda waxsoosaar sii laba jibaaridoonaan