Jigjiga(Cakaaranews) Axad 14ka January 2018. Kulan Balaadhan OO Wadatashi Iyo Waciygalin Isugujira Oo Ay Yeesheen Xukuumada Iyo beesha Gabooye Ayaa Ka Qabsoomay Xarunta Deegaanka ee magaalada jigjiga.
Hadaba Kulan oo uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay kasoo qaybgaleen, Suldaamada, Odayaasha, Waxgaradka, Aqoonyahanka, Haweenka Dhalinyarada Qurb-joogta iyo dhamaan beesha gabooye ee MMJ iyo xubno ka socday gobolada, MM iyo degmooyinka deegaanka ayaa waxaa ugu horayn kulankan furay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kala hadlay beesha gabooye qodobo dhawr ah oo ay kamid yihiin nidaamka dhaqan gumaysiga ah ay soomaalidu isku hayso iyo is yasida dhaqamada qabiilada soomaalida ah qaarkood ka dhexjira.
Madaxwaynaha ayaana sheegay in fikirkan ka doodista dhaqan gumaysiga uusan ahayn mid ay xukuumadu maanta un bilawday balse uu yahay mid soo socdey ka doodistiisa in muda ah. Madaxwaynaha ayaana dhawr tusaale usoo qaatay. Madaxwaynaha oo hadalkiisii sii wata ayaa cadeeyay inaysan taariikhda soomaalida meelna kagajirin cid soomaali ah oo bakhti cuntay islamarkaana ay tahay nidaam dhaqan gumeysi ah oo aan sal iyo raad toona lahayn. Sidoo kale madaxwaynaha ayaa hoosta ka xariiqay inaysan jirin marnaba waxaysan soomaalida kale samaynin oo ay samayso beesha gabooye iyo inay jirto arrinta ah inay soomaalida kale ay xaqirto beesha gabooye.
Dhanka kale madaxwaynaha ayaa beesha gabooye ku adkeeyay inay isku kalsoonaadaan xoogana saaraan barashada culuunta diiniga ah iyo tan maadiga ahba islamarkaana iyaga loo baahdo. Wuxuuna madaxwaynuhu carabka ku adkeeyay in farsamooyinka iyo xirfadaha kala duwan ee ay beeshu caanka ku yihiin ay tahay aas-aaskii nidaamka warshadaha iyo technologyada casriga ah ee uu maanta caalamku ku hormaray.
Dhanka kale suldaamada waxgaradka hooyooyinka iyo dhalinyarada kasoojeeda beesha gabooye ee kasoo qaybgalay kulankan ayaa ugu horayn uga mahadceliyay xukuumada deegaanka abaabulka fagaarahan lagaga tashanayo jabinta fikirka dhaqan gumaysiga iyagoo ka marag kacay horumarka iyo nabadgalyada baaxada wayn ee deegaanka ka hanaqaaday. Waxayna intaa ku dareen inuu kulankan ku yimid halgankii dheeree ay xukuumad u ku tirtirtay ururadii nabadiidka ahaa ee ka dhaqdhaqaaqi jiray deegaanka islamarkaana loo gudbay in laga shaqeeyo horumarka kulankana uu kamid yahay horumarka deegaanka.
Ugu danbayna salaadiinta, cuqaasha, iyo waxgaradka beesha gabooye ayaa hadiyad sharafeed heer sare ah gudoonsiiyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar islamarkaana halkaas kaga gudoomay.