Jigjiga (cakaaranews)Sabti, 13ka January 2017. Kulan qiimayn iyo tababar isugujira oo uu soo agaasimay xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada gacanta DDSI islamarkaana ay kasooqaybgaleen masuuliyiinta wakaalada COC, dhamaan mas’uuliyiinta kuliyadaha dawliga ah iyo kuwa gaar ka loo leeyahay ayaa kaqabsoomay magaalada jigjiga.
Hadaba, kulanka qiimaynta ah ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Wasiirka Xafiiska Tababarada Xirfadha Iyo Farsamada Gacanta DDSI Mudane Naasir Xasan Cabdi oo sheegay in ujeedada kulankani yahay mid lagu qiimaynayo waxqabadyadii kuliyadaha ee bilihii udanbaysay. Wuxuuna xusay in laisku qiimayanayo qorshayaashii la kalaqaatay in lafuliyo islamarkaana laiskula xisaabatamayo. Sidookale wasiirka ayaa tilmaamay in kulankani yahay mid lagu baranayo nidaamka adeeg-bixinta ee loo yaqaano shaqo natiijo kusalaysan (deliver ology ) kaasoo ah nidaam shaqaalaha lagula xisaabtamo oo ah nidaam shaqsi kasta loogu tirnayo shaqadiisa. Iyadoo nidaamkanina uu yahay mid ay fulinayaana sectorka waxabarashada
Sidookale, waxaa isna dhankiisa kahadlay kulankan Wasiir-Kuxigeenka Xafiiska Tababarada Xirafadaha Iyo Farsamooyinka Gacanta DDSI Mudane Badri Yuusuf oo sheegay in kulankani yahay mid qiimayn ah kaasoo xafiiskastaa uu soo bandhigayo waxqabadkiisii 6da bilood wixii u qabsoomay iyo waxii aan qabsoomin iyo sababta uusan u qabsoomin.
Iskusoowada duuboo, kulankan ayaa ahaa mid masuuliyiinta kuliyaduhu ay khibrad ku kalaqaaadanayaan dhankooda adag ee kamidho dhalinta iyo fulinta qorshayaasha kuliyadaha. Iyadoo kulankanina uu soconayo mudo 6 cisho ah.