Image may be NSFW.
Clik here to view.Jigjiga,(cakaaranews),talaado, 31ka October, 2017. Tababar ku saabsan sii xoojinta iyo adkaynta nabadgalyada, ka hortaga isku dhacyada iyo xalinta khilaafaadka ka iman kara xuduudaha deegaanka ayaa ka dhacay magaalada jijgiga gaar ahaan madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Tababarkan oo loo qabtay qaarka mid ah masuuliyiin hay'adaha amniga iyo cadaalada oo ka socday 6 gobol iyo 22 degmo oo ka mid ah gobolada iyo degmooyinka deegaanka ayaa waxaa furitaankiisii ka hadlay taliyaha guud ee ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI ahna ku simaha hogaanka nabadgalayda maamulka iyo cadaalada DDSI mudane General Cabdiraxmaan Cabdilaahi Buraale oo ka warbixiyay dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI iyo qaybaha kala duwan ee shacabka DDSI ugu jiraan sidii loo sii joogtayn lahaa loona xoojin lahaa adkaynta nabadgalyada wuxuuna sheegay generaalku ahmiyada iyo ujeedooyinka uu tababarkani leeyahay isaga oo sheegay in ay nabadgalyadu tahay tiirka kaliya ee lagu hirgalinayo qorshayaasha horumarka bulshada. Wuxuuna ku booriyay xubnahan loo furay tababarka in ay sidii loogu talagalay uga faa’iidaystaan si looga midho dhaliyo ujeedooyinka tababarkan.
Tababarkan oo ay soo diyaarisay wasaarada arimaha faderaalka iyo horumarinta deegaanada xoolo dhaqatada JDFI ayaa waxa uu socondoonaa muddo 3 maal-mood ah