Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Kulan Lagaga Hadlayay Dar-dargalinta Adeegyada Xarumaha Caafimaadka Gobolka Faafan Oo Ka Dhacay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews),talaado, 31ka, October, 2017.Kulan lagaga hadlayay adeeg bixinta xarumaha caafimaadka,rugaha  iyo cusbitaalka gobolka faafan  ayaa ka dhacay madasha shirarka ee huteelka nogob  ee caasimada deegaanka jigjiga  waxaana ka soo qaybgalay kulankaasi qaarka mid ah masuuliyiinta gobolka faafan, kooxda taakulaynta iyo taageerada xafiiska caafimaadka DDSI ee kor-meerka shaqo ku soo maray xarumaha caafimaadka degmooyinka gobolka faafan iyo madax-xafiiseedyada xafiisyada caafimaadka iyo maareeyayaasha xarumaha caafimaadka ee degmooyinka gobolka faafan

Kulankaasi  ayaa waxay  ujeedadiisu ahayd sidii loo dar-dargalin lahaa adeegyada caafimaadka ee ay bulshada u fidiyaan xarumaha caafimaadka iyo rugaha caafimaadka gobolka faafan  islamarkaana loo  eegilahaa warbixinta kooxda taakulaynta iyo taageerada xafiiska caafimaadka DDSI ee kormeerka shaqo  ku soo maray   degmooyinka gobolka faafan iyada oo uu dhinaca kale kulankan bar bar socday tababar ku saabsan maaraynta xogaha caafimaadka iyo cabirka sahanka cudurada oo hayay madax xafiiseedyaa caafimaadk iyo maareeyayaasha xarumaha caafimaadka degmooyinka gobolka faafan

Waxaana furitaankii kulankaasi ka hadlay ku gudoomiyaha gobolka faafan mudane cabdiwali maxamed faarax  oo   ka warbixiyay dadaalada xoogan ee xukuumada DDSI ugu jirto sidii loo taaba galin lahaa tayada adeegyada caafimaadka deegaanka islamarkaana looga midho dhalin lahaa siyaasada caafimaadka ee ku wajahan xaqiijinta tayada adeega caafimaadka guud ahaan deegaanka . masuulka oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay in maamulada adeegyada caafimaadka looga baahan yahay in ay xooga  saaraan tayaynta adeeg bixinta xarumaha caafimaadka wuxuuna intaasi ku daray in  kulankan lagu eegayo warbixnta ay kooxda taakulaynta iyo taageerada adeega caafimaadka ee xafiiska caafimaadka DDSI ku soo arkeen xarumaha caafimaadka degmooyinka gobolka faafan si loo eego tayada adeegyada caafimaadka ay buxiyaan xarumahaasi

Dhanka kale madax kooxeedka kooxda taakulaynta iyo taageerada ee xafiiska caafimaadka DDSI ee ka soo shaqeeyay gobolka faafan mudane  Cabdi Muuse     ayaa ka warbixiyay  kormeerkii shaqo ee ay ku soo mareen xarumaha caafimaadka degmooyinka gobolka faafan  ,taakulayntii iyo taageeradii ay siiyeen xarumaha caafimaadka gobolka  wuxuuna sheegay in ay kulankan ku soo bandhigidoonaan warbixin ku salaysan kormeerkii shaqo ee ay ku soo mareen xarumaha caafimaadka degmooyinka gobolka faafan islamrkaana laysla eegi doono sidii gol-daloolada ay soo arkeen  loo gufayn lahaa    si  bulshada qaybaheeda kala duwan ay xarumaha caafimaadka iyo rugaha caafimaadka uga helaan adeeg tayaysan oo  deg deg ah. 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles