Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Maamulka Gobolka Jarar Oo kulamo Kaladuwan Layeeshay Bulshada Kudhaqan 3 Degmo Oo Kamid ah Gobolka.

$
0
0

Daroor(cakaaranews)Isniin, 23ka, October 2017. Maamulka Gobolka jarar oo uu horkacayo gudoomiyaha Gobolka jarar mudane cabdi cali mataan ayaa kulamo kaladuwan layeeshay bulshada qaybaheeda kaladuan ee kudhaqan degmooyinka Awaare, Daroor iyo Gaashaamo. Iyadoo shirarkaasina ay kuqotameen sidii looga midho dhalin lahaa qorshaha 2010 T.I ee Biyo, Baad, Beer, Cilmi iyo Caafimaad (BBC) islamarkaana bulshadu unoqoto bulsho dagan oo dhulkooda iyo xoolahooda kafiidaysta iyo waliba adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka.

Hadaba,Gudoomiyaha Gobolka Jarar mudana Cabdi Cali Mataan oo shirarkan kasoojeediyay hadalo wax ku ool ah oo kuaadan hirgainta qorshaha BBC ee ay xukuumada DDSI qaadatay sanadkan 2010T.I wuxuuna sheegay in kulamadani ay kusaabsanaayeen wadtashiyo iyo wacyigalin taasoo bulshada lagala tashanayay dajinta xoolodhaqatada iyo sidii ay uga faaiidaysan lahayeen waxsoosaarka si ay iyaga iyo xooluhuba ugu manaafacaadaan loogana gaashaanto abaaraha. Wuxuuna sheegay in dhamaan degmooyinka Gobolka jarar ay kawadaan abaabulada kuaadan bulshada ee lagu dajinayo islamarkaana lagaga dhigayo xoolodhaqato casriyaysan oo manaafaacad kahela xoolahooda islamarkaana wajiga koobaad degmo kasta ladajinayo 60 qoys.

Sidookale, kulamadan ayaa waxaa iyaguna dhankooda kahadlay Gudoomiyaha degmada daroor mudane Abshir cali xirsi iyo waliba gudoomiyaha degmada aware mudane isaaq cabdulaahi qayliye iyagoo sheegay in kamaamul ahaan ay sitoosa uqaateen fulinta qorshahan oo ay wadaan abaabulkii iyo shaqooyinkii ku’aadanaa dajinta xoolo dhaqato si ay unoqdaan xoolodhaqato beeralay.

 

Ugudanabayna bulshadii kaladuwanayda ee kulamada lalayeeshay ayaa soodhaweeyay kulamadan islamarkaana u riyaaqay waxayna sheegeen in nidaamkani yahay nidaam lagagabaxayo saboolnimada 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>