Dhagaxbuur(cakaaranews)Isniin, 23ka, October 2017. Waxaa degmada dhagaxbuur ee xarunta gobolka jarar kabilawday Shirwaynihii 9aad ee waxbarashada islamarkaana ay kasooqaybgaleen masuuliyiin heergobol ah maamulka degmada dhagaxbuur qaarkamid ah bulshada kudhaqan degmada iyo martisharafkale
Hadaba, shirwaynahan waxbarashada ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay Gudoomiyaha Degmada Dhagaxbuur marwo Aniiso Mukhtaar Xasan oo sheegtay in shirkani yahay shirwaynihii 9aad ee waxbarashada ee degmada dhagaxbuur islamarkaana ujeedadiisu tahay kor uqaadista waxbarashada iyo waliba sidii loo tayayn lahaa nidaamka baris barasho ee dugsiyada degmada dhagaxbuur. Waxayna Intaa kudartay in shirkani yahay mid lagu dardargalinayo qorshaha waxabarsho ee uyaala degmada dhagaxbuur sanadkan 2010 T.i. islamarkaana halkudhag looga dhigay ‘’Jiil Aqoon Lagu barbaarshaa Saboolnimada lagagabaxaa’’.
Sidookale, shirkana ayaa isna waxaa kahadlay Madaxa Arrimaha Xisbiga Gobolka Jarar mudane Shugri Xasan Khaliif iyo waliba Madaxa Xafiiska Waxbarashada Degmada Dhagaxbuur mudane Maxamed Ilyaas Sarhaye oo sheegay in shirwaynahani yahay mid lagu lafagurayo sidii lootayayn lahaa waxbarashada degmada si carurtu u noqoto arday kadhisan dhanka waxabarashada islamarkaana ay unoqdaan kuwo natiijo keena oo lajaanqaadikara ama kasaraynkaraba ardayda kale ee deegaanada dalka.
Ugudanbayna, Dhankooda kaqaybgalayaashii shirwayanahan ayaa sheegay in tayaynta waxbarashada ee heererka kaladuwan ee dugsiyada degmada dhagaxbuur ay doorkooda kaga aadan kaqaadanayaan.