Iimey-galbeed(cakaaranews)Axad, 15ka October 2017. Nidaamka dajinta ee ay qaadatay xukuumada DDSI ayaa ah nidaam xoolo dhaqatadu ay kunoqonayaan xoolodhaqato beeralay islamarkaana ah mid bulshada uga manaafacad badan xoolodhaqatanimada. Sidaasdarteed bulshada kudhaqan tuulada suuflay ee degmada Iimay-galbeed ayaa soo dhaweeyay islamarkaana u riyaaqay nolosha dajinta iyo kafaaiidaysiga waxsoosaarka beeraha, maadaama oo ay hada kahor ahaayeen xoolodhaqato hadba meel uguura.
Hadaba, qaar kamid ah bulshada kudhaqan tuulada suufleey ee degmada iimeey galbeed ayaa sheegay in hada kahor kusugnaayeen noolol aad u adag oo rafaaduun leh islamarkaana aan wax nacfi ah lahayn hadana ay yihiin kuwo kunool nolol aad uwanaagsan kadib markii Dawladu dajisay islamarkaana lagu jiheeyay sidii ay uga faaiidaysan laheeyaan biyaha wabiga iyo waxsoosaarka dhulka loona sameeyay adeegyadii aas aasiga ahaa ee nooluhu ubaahne ee sida goobihii caafimaadka dugsiyadii waxabarashada iyo waliba adeega biyaha nadiifta ah.
Waxayna xuseen bulshadu in noloshoodu hada ay kutiirsan waxsoosaarka ay sameeyeen waxayna tilmaaeen in uu usoo baxo dalgyo kaladuwan iyo waliba khudaarta noocyadeeda kaladuwan islamarkaana ay caruurtoodu heleen waxbarasho. Hada kahor xoolo dhaqatanimadoodiina aysan waxba dhaamin xoolahooda.
Iskusoowada duuboo, nidaamkan dajinta ayaa kamid ah xeeladaha ay xukuumada DDSI kula dagaalamayso tirtirida saboolnimada.