Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Raisal-wasaare Kuxigeenka JDFI mudane Dhamaqe Mokonnen Iyo Wafti Balaadhan Uu Hogaaminayo Oo Soo Gaadhay Deegaanka

$
0
0

Qoloji(cakaaranews)Axad, 15ka October 2017. Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Raisal-wasaare kuxigeenka JDFI mudane Dhamaqe Mokonen oo ay ku wehelinayeen mas’uulyiin ka socaday Xarunta dhexe ee EPRDF iyo mas’uulyiin ka socday wasaarada kahortaga iyo u diyaargarawga masiibooyinka JDFI ayaa soogaadhay deegaanka waxaana tuulada Qoloji si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta deegaanka oo ugu horeeyo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo qaarkamid ah golaha wasiirada deegaanka.

Hadaba, Waftigan uu hogaaminayo Raisal wasaare-kuxigeenka JDFI mudane Dhamaqe Mokonnon oo ujeedkoodu ahaa soo indho indhaynta xaalada barakacayaasha iyo dadkii ay dhibaatadu kasoogaadhay khilaafkii dhaxmaray deegaanka soomalida iyo kan oromada ayaa waxaa waftiga iyo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar kulan kula yeesheen odayaasha deegaanka iyo barakacayaasha dib udajinta loosameeyay. Waxaana kulankaasi si wayn loogaga wada arrinsaday sidii loosoo afjari lahaa dhibaatooyinka ay hurinayaan cadawga duulimaadka ku ah jiritaanka nidaamka fedaraalka ah iyo dastuurka dalka, iyadoo kulankana ay odayaasha deegaanku soo bandhigeen dhamaan dhibaatooyinka jira ee kadhanka ah deegaanka iyo inay muhiimtahay in dawlada dhaxe ay xal waara ka gaadho, maadaama oo shacabka DDSI uu yahay mid u hogaansan shuruucda dastuuriga ah, had iyo jeera utaagan ilaalintiisa. Waxayna carabka kudhufteen in deegaanka soomaalida itoobiya uu yahay deegaan hada uun helay xukuumad iyo maamul suuban islamarkaana leh kala danbayn iyo isuhogaansan kuna mushquulsan horumar qudha oo aan marna rabin qalaalase iyo dhibaato midna. Waxayna odayaashu sheegeen in dawlada federaalku xal ka kakeento oo ay xilwayn iskasaarto dhamaan dhibatooyinka kahaysta dhanka deegaankaas.

kadibna, Raisal wasaare-kuxigeenka JDFI mudane Dhamaqe Mukanon ayaa halkaasi ka soo jeediyay hadalo muhiim ah oo taabanaya xalka iyo sidii loola tacaali lahaa labada deegaan ee walaalaha ah oo aysan dhibaato danbe ka dhax dhicin. Wuxuuna xusay in dawlada federaalku aad uga xuntahay dhibaatooyinkii dhacay labada dhinacba islamarkaana ay kuhawlantahay xalka dhibaatooyinkii iyadoo ay wado wadatashiyo kaladuwan oo ku’aadan dhibaatada. Wuxuuna tilmaamay in dilkii foosha xumaa ee aan horay loo arag noociisa cidii kadanbaysay  lahorkinii sharciga.

Sidookale, madaxa Xarunta Dhaxe ee EPRDF mudane Shiferaw Shigute oo dhankiisa kahadlay kulankan ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin dhibaatada kadhaxdhacday 2da deegaan ee soomalida iyo oromada. Wuxuuna xusay in dhibaatada dhacday ay san labada deegaan midna sabab u ahayan balse ay  sababatooda leeyihiin dad  cadaw ah oo lid ku ah sysytemka federaalka ah. Wuxuuna carabka ku adkeeyay y in labada deegaan ay yihiin ay labo deegaan oo walaalo ah oo wadaaga dhaqan, diin iyo dhiig intaba.  wuxuuna tilmaamay in cadawgu uu inagu wiirsan hadaan farta inagu isku fiiqno. sikastaba ha ahatee waftigan iyo mas'uuliiynta ayaa isla cadeeyay in Tiradan qoysaska kasoo barakacay deegaanka orimiya ee ku sugan qolaji ayaa gadhayaan 8,903 qoys oo tira ahaan udhiganta  53.874 iyadoo 5 goobood oo kalana  dajin loogu  sameeyay oo ay kamid yihiin salaxaad, Hudhat, Mooyaale, Lagahida iyo qolaji. waxayna tirada guud ee barakacayaashu noqonayaan 41,000 oo qoys

Ugudanbayna, waftigan balaadhan ee uu hogaaminayo Raisal-wasaare kuxigeenka JDFI mudane Dhamaqe mukonon  ayaa kaduulay garoonka caalamiga ah ee magaalada Jigjiga.

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>