Jigjiga,(cakaaranews), sabti, 14ka, October 2017. Kulan balaadhan oo lagu shaacinayay miisaaniyada sanadka 2010TI ee maamulka magaalada jigjiga islamarkaana loogu diyaar garoobayay munaasabada 10aad ee xuska maalinta calanka dalkeena itoobiya ayaa ka qabsoontay magaalada jigjiga
Kalankaasi oo ay soo diyaariyay maamulka magaalada jigjiga ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta maamulka magaalada jigjiga, masuuliyiinta xaafadaha kala duwan ee maamulka magaalada jigjiga iyo qaybaha kala duwan ee bulshada maamulka magaalada jigjiga.
Waxaana kulankaasi furitaankiisii ka hadlay maayirka maamulka magaalada jigjiga mudane Ibraahin Maxamuud Mubaarig wuxuuna tilmaamay in uu kulankan yahay mid bulshada lagu tusinayo cadadka miisaaniyada loo qabtay iyo adeegyada horumarineed ee lagu fulinayo islamarkaana ay lagama maarmaan tahay in bulshadu fahan buuxa ka qaataan si ay dhamaadka sanadkan ugu xisaabtamaan in miisaaniyada lagu fuliyay qorshihii loogu talagalay iyo in kale taasi oo ka mid ah ayuu yidhi maayirku , cad-cadaanta iyo isla xisaabtanka halbeega u ah xukumada DDSI. Wuxuuna intaa ku daray in miisaaniyada loo qaybtay mm jigjiga tahay mid ku salaysan baahida bulshada. Sidoo kale waxa uu maayirka ka warbixiyay in ay fooda inagu soo haysa munaasabada maalinta calanka dalkeena itoobiya islamarkaana loo baahan yahay in si meeqaam sare ah loogu diyaar garoobo xuska maalinta calanka dalkeena itoobiya
Waxaa kale oo ka hadlay kulankan madaxa xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha ee maamulka magaalada jigjiga mudane Khaalid Cabdiraxmaan oo sheegtay in kulankan yahay qayb kamid ah tubaha lagu shaacinayo miisaaniyada islamarkaana loogu soo bandhigayo qaybaha kala duwan ee bulshada maamulka magaalada jigjiga si ay u la socdaan ugana warhayaan miinaayiyada loogu talagalay sanadkan 2010TI iyo qorshayaasha lagu fulinayo masuulka ayaa intaasi ku daray in qaybaha kala duwan ee bulshada maamulka magaalada jigjiga looga baahan yahay in ay si qurux badan ugu diyaar garoobaan munaasabada qaaliga ah ee markii 10aad laga xusayo guud ahaanba dalkeena itoobiya
Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada maamulka magaalada jigjiga ee ka soo qaybgalay kulankan ayaa ayaa sheegay In ay aad u soo dhawaynayaan kulankan loogu shaacinayo miisaaniyada lagu fuliyo adeegyada aas aasiga ah ee horumarka iyo kuwa kaabayaasha dhaqaale ee maamulka magaalada jigjiga waxayna sheegeen in ay siwayn ugu diyaargaroobayaan xusitaanka munaasabada maalinta calanka dalkeena itoobiya .