Shiniile(cakaaranews)Jumce 29ka, September 2017. Kulan balaadhan oo ay kasooqaybgaleen bulshada qaybaheeda kaladuwan ee kudhaqan degmada shiniile islamarkaana lagagawada hadalay sidii loola dagaalami lahaa ganacsiga sharci darada ah ayaa kaqabsoomay degmada shiniile.
Hadaba kulankan wacyigalina ah ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Gudoomiye-kuxigeenka Gobolka Siti mudane Cabdi-shakur Aadan Faarax oo sheegay in ganacsiga sharcidarada ahi uu yahay mid an u fiicnayn bulshad iyo deegaankaba. Wuxuuna intaa kudaray in dhamaan nooc kasta oo laga ganacsado oo sharci ah lakeeno degmada isagoo LC ah oo sharci ah. Wuxuuna tilmaamay in kotrobaanku yahay mid khatar ku ah dhamaan bulshada.
Sidookale, Kusimaha Gudoomiyaha Degmada Shiniile mudane Deeq Cumar Cabdulaahi ayaa isna dhankiisa si cilmiyayasan uga hadlay ganacsiga sharcidarada ah isagoo sheegay in ka ganacsiga kontrobaanku uu yahay mid dhibaato ku ah bulshada dhaqaale ahaan, caafimaad ahaan iyo walliba shaqo ahaan oo khatar ku ah.
Dhankakale, mudane Cabdulaahi Qorane oo ah xubin kamid ah koox kasoctay xafiska gaadiidka ganacsiga iyo warshadaha DDSI ayaa isna dhankiisa soojeediyay in dhamaan bulshada ganacsatada ahi ay kawaantoobaan ganacsiga sharci darada ah islamarkaana ay u ganacsadaan si sharci ah.
Ugudanbayna, bulshadii kasooqaybgashay shirkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay balanqaadayaan in ay ladagaalamaan kotrobaanka islamarkaana ay hal meel uga soowada jeedsanayaan ladagaalanka ganacsiga sharci daroda ah.