Image may be NSFW.
Clik here to view.Leeyi(cakaaranews)Arbaco, 1da November 2017. Shir lagu qiimaynayo waxqabadka rubaca koobaad ee sanad miisaaniyadeedka 2010 .T.I islamarkaana ay kasooqaybgaleen dhamaan dagmooyinka gobolka daawo ayaa si habsamileh uga furmay xarunta gobolka daawa ee leeyi.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Hadaba shirkan qiimaynta ah ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Daawa mudane Shugri Badal Miyir oo sheegay in shirkani kusaabsan yahay qiimayntii waxqabadka rubaca koobaad ee horumarka iyo maamulka gaar ahaan sidii loo hirgaliyay qorshaha Biyo, Baad, Beer ,Cilmi iyo Caafimaad (BBC) wuxuuna intaa kudaray in dhamaan dagmooyinku ay soo jeedinayaan warbixintoodii 3da bilood ee rubaca koobaad ee qorshaha 2010 T.I iyadoo degmo kasta soo bandhigayso waxqabadkooda wixii qabsoomay, waxa aan qabsoomin iyo sababta uusan u qabsoomin.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Dhankakale, shirkan qiimaynta ah ee degmooyinka gobolka daawa ayaa intii uusocday ay si wada jir ah dhamaan maamulada degmooyinku dhir beeris ugu sameeyeen xarunta maamulka gobolka daawa.
Image may be NSFW.
Clik here to view.Iskusoowada duuboo shirkan qiimaynta ah ayaa ah mid dhamaan maamulada goboladu uqabtaan maamulada degmooyinka islamarkaana lagu eego waxqabadka 4ta rubuc ee qorshaha sanad miisaaniyadeedku ka koobanayahay. Iyadoo qiimayntanina 3da bilood ee rubaca koobaad ee SM 2010.T.I.