Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Kulan Qiimayn Ah Oo Loo Qabtay Mulkiilayaasha iyo Xirfadlayaasha Xarumaha Daawooyinka Gaarka Loo leeyahay

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco 1da, November 2017. Kulan balaadhan oo uu soo agaasimay Wakalaada Dabagalka Cuntada, Daawooyinka iyo Adeegyada caafimaadka DDSI islamarkaana lagu qiimaynayo mulkiilayaasha iyo xirfadlayaasha xarumaha Daawooyinka gaarka loo lee yahay ayaa kaqabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa ugu horayn kahadlaya Maareeyaha Wakaalada Dabagalka Cuntada Daawooyinka iyo Adeegyada Caafimaadka marwo Faaisa Xasan Ibraahim oo sheegtay in kulakani yahay mid lagu kalaqaadanayo awaamiir taasoo kusaabsan sidii xarumuha iyo goobaha caafimaadka gaarka looleeyahay unoqon lahayeen kuwo ilaaliya shuruucda dawooyinka islamarkaana bixiya adeeg caafimaad oo laiskuhalayn karo. Marwada ayaa xustay in  xarumaha daawooyinku iska ilaaliyaan dawooyinka sharcidarada ah, in xarumaha daawooyinka lagahelo xirfadle tayadiisa laxaqiijiyay, in si sax ah loo hagaajiyo nidaamka ama dhaqanka looga baahanyahay xirfadlayaasha xarumaha dawooyinka. In mulkiilayaashu kala saaraan shuruucda iyo nidaamka looga baahanyahay clinicyada iyo pharmasiyada.

 

Ugudanbayna kasooqaybgalayashii oo darenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanayihiin kulankan looqabtay islamarkaana ay raacayaan shuruucda iyo nidaamyada dawliga ah ee looga baahanyahay xarumaha daawooyinka iyo xirfadlayaasha labadaba.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>