Hawaasa(Cakaaranews) Jumce 20ka October 2017. Waxaa si meeqaam sare leh deegaanka shuubta koonfureed xaruntiisa caasimada hawaasa lagu maamuusay xuska munaasbada sanadguurada 25aad ee xisbiga dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadeed ee shucuubta koonfurta itoobiya .
Hadaba xuska munaasabada sanadguurada 25aad ee xisbiga dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadeed ee shucuubta koonfurta itoobiya ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa xisbiga EPRDF oo uu ugu horeeyo raisal-wasaaraha dalka ahna gudoomiyaha xisbiga SEPDM mudane Haile mariam Desalegn , Raisal-wasaare kuxigeenka JDFI ahna gudoomiyaha xisbiga ANDM mudane Demeke Mokoninn, Madaxwaynaasha dawlad deegaanada dalka oo uu kamid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, mas’uuliyiinta xisbiga dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadeed ee shucuubta koonfurta itoobiya , Mas’uuliyiinta xisbiyada bah-wadaagta ah oo uu kamid yahay gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid Isaaq iyo marti sharaf kale oo ka socday dawlad deegaanada dalka.
Waxaana ugu horayn munaasabada xuskan ka hadlay raisal-wasaaraha dalka ahna gudoomiyaha xisbiga SEPDM mudane Haile mariam Desalegn oo sheegay in nidaamyadii hore ay meel ooga dhaceen kala duwanaanshaheena islamarkaana ay cadaadis ba an ku hayeen dhamaanba xuquuqaha aas aasiga ah iyo mida diqmuraadiyadeed ee shucuubta iyo qoomiyadaha koonfurta itoobya . Wuxuuna raisal-wasaarahu intaa ku daray in nidaamyadii ba’anaa aan kaga guulaysanay halgankii khadhaadhaa ee ay geesiyadii shucuubta koonfureed ay naftooda u hureen islamrakaana xisbiyada bah-wadaagta ah ay garab iyo gaashaanba u ahaayeen. Wuxuuna xisbigan xaqiijiyay midnimada dhaqamadeena kala duwan. Anagoo la dagaalami doona Waxyaabaha dibu dhaca xambaarsan ee uu musuqa iyo dulsaarnimada kaw ka yihiin.
Dhanka kale waxaa dhankooda ka hadlay mas’uuliyiinta xisbiyada bah-wadaagta ah oo uu ugu horeeyo Gudoomiye kuxigeenka XDSHSI ahna Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo qudbad dhaxalgal ah kasoo jeediyay munaasabada xuska sanadguurada 25aad ee xisbiga dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadeed ee shucuubta koonfurta itoobiya oo sheegay in horumarka dhinacyo badanaha ah ee dalka ka hanaqaaday uu qaybwayn ka yahay xisbiga SEPDM islamarkaana ay xidhiidhka walaalnimo ee labada deegaan oo ahaa mid soo jireen ah aan sii xoojin doono . wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray inay xisbiyada bah-wadaagta ahi ee uu kamidka yahay XDSHSI ay garabtaagan yihiin xisbiga dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadeed ee shucuubta koonfurta itoobiya siina adkayn doonaan.
Ugu danbayna waxaa halkaas lagusoo gabagabeeyay xuskii sanadguurada 25aad ee xisbiga dhaqdhaqaaqa dimuqraadiyadeed ee shucuubta koonfurta itoobiya islamarkaana abaalmarino lagu xasuusanayo hogaamiyaheenii aragtida dheeraa ee Meles Zenewi iyo halgamaayaashii ururkii dooxada Riftvalley.