Wardheer (cakaaranews)Jumce,20ka October 2017. Wafti balaadhan oo kasocda midawga yurub laantooda gargaarka ayaa kasoodagay magaalada wardheer ee xarunta gobolka Doolo. iyadoo ay waftigana halkaas kusoodhaweeyeen mas'uuliyiin uu horkacayo wasiir-kuxigeenka xafiiska kahortaga iyo u diyaargarawga masiibooyinka DDSI mudane Anwar Cali
Hadaba, waftigan oo ujeedkoodu ahaa soo indhoindhaynta xaalada nafaqaynta ee dhalaanka iyo hooyooyinka ayaa warbaahinta uga warbixiyay Wasiir-kuxigeenka xafiiska kahortaga iyo u diyaargarawga masiibooyinka DDSI mudane Anwar Cali oo sheegay in waftigani kasocdo laanta gargaarka ee midawga yurub islamarkaaa ay kormerayaan barnaamijkii ay deegaanka kacaawinayeen ee nafaqaynta hooyada iyo dhalaanka. Wuxuuna intaa kudaray in waftigain booqan doono goobaha ay kamidka yihiin senterka waa-afdhuug iyo degmada daratoole ee gobolka doolo.
Ugudanbayna, Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Doolo mudane Malaw Ibraahim oo kamid ah masuuliyyiintii soodhawaysay waftiga oo isna dhankiisa kahadlay ayaa sheegay in waftigan si quruxbadan usoodhaweeyeen islmarkaana ay si wanaagsan uga gacan siinayaan xogaha iyo goobaha ay u baahanyhiin inaytagaan.