Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Deeq Raashin Ah Oo La Gaadhsiiyay Bulshada Soomalida Ah Ee Soo Barakacday.

$
0
0

Qolaji,(cakaaranews),Jumce, 20ka October, 2017.  Hay’adan wadiniga ah ee Dhonjanmariya oo ka mid ah hay’adaha wadaniga ah ee ka  hawlgala deegaanka  kana shaqeeya hawlaha horumarinta bulshada ee  dhinacyada waxbarshada biyaha, caafimaada iyo kaalin ka gaysashada hawlaha gar-gaarka bulshada deegaanka ayaa maanta deeq  isugu jirta raashinka noocyadiisa kala duwan gaadhsiisay bulshadii deegaanka  ee ka soo barakacday deegaanka oromiya ee xukuumada DDSI dib u dajinta  ugu samaysay tuulada qoloji.

Waxaana deegdan  raashinka ah kala wareegay hay’adan gudiga taakulaynta barakacayaasha deegaanka  iyada oo uu goobtii deeqdan lagula wareegayay uu ka hadlay maareeyaha wakaalada horumarinta. dhisida iyo kobcinta iskaashatooyinka DDSI ahna xibinka mid ah gudiga taakulaynta soo barakacayaasha DDSI mudane Jamaal Cismaan Qorane oo ka warbixiyay dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI iyo qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI ugu jirta taageerada iyo gar-gaarsiinta   bulshada  deegaanka soomalida itoobiya ee ka soo barakacday gudaha deegaanka oromiya   isaga oo uga mahadnaqay ha’yadani dhonjamariya ee  raashinkan muga leh soo gaadhsiiyay bulshada soo barakacday sida wanaagsan ee ay iskaga xilqaantay in ay  deeqdan raashinka ah soo gaadhiisyo isaga oo sheegay in ay tahay markii labaad ee ay hay’adan dhoonjamaariya soo gaadhsiiso raashinka noocyadiisa kala duwan bulshadan soo barakacday maareeyaha  ayaa sheegay in tahay arin ku dayasha mudan islamarkaana  looga baahan yahay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo hayadaha aan dawliga ahayn in ay ka qayb-qaataan dadaalka ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii kor loogu qaadilahaa nolosha bulshada soo barakacday gaar ahaan gar -gaarka la gaadhsiinayo bulshada deegaanka ee ka  soo barakacay gudaha deegaanka oromiya.

Dhankiis maareeyaha guud ee hay’ada dhonjamaariya mudane Fu’aad Alamire  ayaa sheegay in haayadu iyada oo ka jawaabaysa baaqii xukuumada deegaanka ay ka qayb-qaadan doonaan taageera siinta dajinta dadka soo barakacay isaga oo ka warbixiyay raashinka noocyadiisa kala duwan ee ay wakhtixaadirkan soo gaadhsiiyeen bulshada soo barakaday kuwaasi oo kala ah buu yidhi bariis, sonkor, daqiiq, saliid, boorash, digir iyo buskud.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada ka soo barakacday gudaha deegaanka oromiya ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yihiin sida ay xukuuamda DDSI ugarab qabatay islamarkaana ka dhigtay kuwo ay  noloshoodu dagan tahay  oo haysta nolol wanaagsan waxayna ugu mahad naqeen hay'ada maanta soo gaadhsiisay deeqdan raashinka ah.

Ugu dambayntii Xukuuamda DDSI, qaybaha kala duwan ee bulshada DDSI  ayaa tan iyo intii ay ka soo barakacday bulshada deegaanku gudaha deegaanka oromiya xilwayn iska saartay sidii bulshada loogu samayn lahaa deganaansho iyo nolol dhamaystiran. 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>