Jigjiga, (cakaaranews), jumce, 29ka, September, 2017. Waxaa guud ahaanba maanta ka bilowday deegaanka wareegii 1aad ee sanadka 2010TI ee ol olaha talaalka ka hortaga cudurka dabaysha (polio) oo laga talaalayo caruurta da’doodu ka hoosayso 5 sano jir.
Haddaba xaflada lagu daah furayay ol olaha talaalka ka hortaga iyo cidhib tirka cudurka dabaysha(polio) oo uu si meeqaam sare ah u soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI ayaa ka dhacday jigjiga taasi oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta iyo shaqaalaha xafiiska caafimaadka DDSI, masuuliyiin ka socday xafiisyada iyo hay’adaha ay bahwadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI, culimo awdiinka, iyo hooyooyinka loo talaalayay caruurta.
Waxaana, furitaankii xafladii lagu daah-furayay ol-olaha talaalka ka hortaga cudurka dabaysha ka hadlay wasiirka caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada uu leeyahay talaalkan lagaga hortagayo cudurka dabaysha ee laga talaalayo caruurta dadoodu ka yartahay 5sano jir wasiirka ayaa sheegay in guud ahaanba maanta gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka deegaanka laga bilaabay ol olaha wareega 1aad ee sanadka 2010TI kaasi oo lagu talaalayo dhamaanba caruurta deegaanka ee da’doodu ka ya r tahay 5sano jir wasiirka ayaa ku booriyay dhamaanba waalidiinta, hooyooyinka in ay si mug leh uga qayb-qaataan hirgalinta talaalkan lagaga hortagayo cudurka dabaysha si looga midho dhaliyo ujeedooyinka iyo ahmiyada laga leeyahay talaalkan.
Qaarka mid ah culimo awdiinka ka soo qayb-galay xafladii daah-furka taalaalka ka hortaga cudurka dabaysha oo ka hadlay ayaa ka warbixiyay ahmiyada uu leeyahay talaalka ka hortaga cudurka dabaysha waxayna sheegeen in ay kaalin mug leh ka qaadanayaan ka culimo ahaan hirgalinta talaalka iyaga oo ku booriyay dhamaan waalidiinta caruurta in ay kaalin fir-fircoonka qaataan taaba galinta wareegan 1aad ee talaalka cudurka dabaysha.
dhankiisa xidhiidhiyaha kor u qaadita adeega caafimaadka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdishakuur Cabdilaahi ayaa si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada uu leeyahay talaalkani lagaga hortagayo cudurka dabaysha (polio). isaga oo ka warbixiyay dadaalada xoogan ee xukuumada DDSI iyo xafiiska caafimaadkuba ugu jiraan sidii loo joogtayn lahaa qorshaha lagaga hortagayo dhamaanba cudurada faafa, gaar ahaan ka hortaga iyo tir tiritaanka cudurka dabaysha(polio Wuxuuna sheegay in talaalkan ka hortaga cudurka dabaysha ee wareega 1aad guud ahaanba deegaanka laga talaalayo caruur dhan 1,055,662. Oo ah caruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano jir isaga oo ku booriyay bulshada deegaanka in ay ka qayb’qaataan ol olaha talaalka cudurka dabaysha una diyaariyaan caruurta maadaamo oo ay xirfadlayaasha caafimaadka guri’guri u gaadhayaan.
Gabagabadii xafladan ayaa wasiirka caafimaadka DDSI mudane xasan ismaaciil cali waxa uu dhib-cihii ugu horeeyay wareegan 1aad ee talaalka ka hortaga iyo tir tirida cudurka dabaysha ku tiixiyay/dhib-ciyaya caruurtii da-doodu ka yarayd 5 jirka ee ka soo qayb-galay xafladan furitaanka.