Fiiq(Cakaaranews) Jumce 29ka September 2017. Madaxwanaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa wajigii 2aad ee socdaalkii lamagcbaxay BBC uga ambabaxay dhanka xarunta deegaankadhanka gobolka erer, Iyagoo Hlakaas xadhiga kaga kasoo jari doona mashaariico horumarineed oo waawayn oo ay kamid yihiin buundada isku xidha degmada fiiq iyo degmada mayo’maluuqo, Biyo-galinta mugwayn, fiiq iyo xamaro. Wadada iskuxidha magaalada fiiq iyo degmada mayu ee dhexmarta buuraha dhaadheer ee erereed iyo xadhig kajarka kuliyada farsamada gacanta ee magaalada fiiq.
Madaxwaynaha iyo waftigan balaadhan ee uu hogaaminyay ayaa inta ay dhexda kusii jireen waxaa si diiran loogusoo dhawaynayay tuulooyinka ay sii marayeen. Wuxuuna madaxwaynhu ubalan qaaday bulshada ku dhaqan inta udhexaysa tuulada itaashaale ilaa cobasha oo isu jira 70km in laga fulin doono biyo-galin balaadhan oo ay ka faaiidaystaan bulshada ku dhaqan tuulooyinkaas islamrakaana 5km ama 10 km loo samayn doono goob biyood ay ka cabaan dadka iyo duunyadaba.
Sidoo kale madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ka aqbalay shacabka ku dhaqan tuulada cobasha codsi kood ah oo ahaa in loo sameeyo dugsi sare iyo in loo qalabeeyo xarunta caafimaadka ee tuulada isagoo madaxwaynuhu ka aqablay codsigoodii ay waydiisteen bulshada ku dhaqan tuulada cobasha ee degmada dhadhamane. Madaxwaynaha iyo waftigan balaadhan ee hogaaminayay oo kulamo la qaadanayay bulshada ayaa ku baraarujinayay shacabka inay ka faaiidaystaan khayraadka di’han ee dhulkeena sameeyana waxsoosaarka beeraha si aynu usoo ceshano isku filnaanshaheenii.
Ugu danbayna madaxwaynaha iyo wafti ayaa booqday wadada isku laamiga ah ee iskuxidhaysa jigjiga, fiiq iyo xamaro oo dhismaheedu bilowday iyagoo sidoo kale booqday ceel biyood lagu dhisay lacagta mashruucan oo laga fuliyay tuulada dudumacad ee degmada fiiq. Waxayna madaxwaynaha iyo waftigiisu wakhti xaadirkan ku suganyihiin magaalada fiiq ee xarunta gobolka erer.