Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Tababar Kusaabsanaa Gurmadka Saamaynta Waxbarasho Xiliyada Abaarta Oo Lasoo Gabagabeeyay

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 25ka October 2017. Tababar loo qabtay xubno ka socday xafiisyada waxbarashada degmooyinka dhanaan, marsin, dhagaxmadaw, yoocaale iyo daraatoole, hay’adaha bah-wadaagta la ah xafiiska waxbarashada DDSI, qaar kamid ah shaqaalaha xafiiska waxbarashada DDSI ayaa lagusoo gabagabeeyay hoolka shirarka ee Xamda Hotel.

Hadaba tababarkan ayaa waxaa xidhitaankiisii kasoo qaybgalay agaasinka Dabagalka (Inspection) ee Xafiiska waxbarashada DDSI ahna kusiisimaha wasiirka xafiiska waxbarashada  mudane Muxiyadiin Sheekh Cabdiraxmaan iyo Agaasinka taageerada Qorsheynta Maaliyada Dabagalka iyo Abaabulka Khayraadka Hay’adaha xafiiska waxbarashada DDSI mudane Cabdiraxmaan Axmed Raabi oo sheegay in tababarkan mudada 3 maalmood ah socday ee ujeedadiisu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa awooda gurmadka xiliyada abaaraha iyo daadka islamarkaana aysan saamayn oogu yeelanin nidaamka waxbarasho ee dugsiyadaas, Wuxuuna mas’uulku intaa ku daray in fahanka buuxa ee xubnahan laga siiyay tababarkan ay dhaqan galiyaan oogana faaideeyaan xubnaha kale uu sugan goobihii waxbarasho ee ay ka kala yimaadeen.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah kasoo qaybgalayaasha tababarkan oo sheegay inay mudadii uu tababarkan socday ay waxbadan ka faaiideen islamarkaana ay oogasii faaiidayn doonaan xubanaha kale ee ku sugan goobihii ay ka kala yimaadeen.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>