Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Kulan Lagu Qiimaynayo Wax-qabadka Xarumaha Caafimaadka Gaarka Loo Leeyahay Oo Ka Furmay Jigjiga

$
0
0

Jigjiga,(cakaaranews), talaado, 24ka , October, 2017. Waxaa ka qabsoomay madasha shirarka ee xafiiska caafimaadka DDSI kulan lagu qiimayay waxqabadka xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay oo ay soo diyaarisay wakaalada dabagalka dawooyinka iyo cuntooyinka DDSI.

Haddaba, Furitaankii  kulankan qiimaynta ah waxa ka  hadlay wasiirka caafimadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali  oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka kulankan isaga oo sheegay in uu yahay kulan diirada lagu saarayo waxqabadka xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay tayada adeegyada ay bixiyaan iyo sidii loo sii dar-dargalinlahaa adeegyada caafimaadka ee ay bixiyaan xarumaha gaarka loo leeyahay wasiirka ayaa ku booriyay in masuuliyiinta ka socday xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyay in ay la jaan qaadaan dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI ugu jirta taaba galinta tayada adeegyada caafimaadka la gaadhsiinayo bulshada deegaanka.

Waxaa kale oo ka hadashay furitaankii kulankan maareeyahay wakaalada dabagalka dawooyinka iyo cuntooyinka DDSI marwo faysa xasan oo sharax dheerka bixisay tayada adeega caafimaad ee loo baahan yahay in ay bixiyaan xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay iyo in ay bixiyaan adeeg caafimaad oo deg deg ah islamarkaana taya leh waxayna mareeyuhu kula dar-daarantay masuuliyiinta xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay in ay soo bandhigaa warbixinta waxqabadkooda si diirada loogu saaro heerka waxqabadka xarumaha caafimaadka gaarka loo leeyahay islamarkaana loo buuxiyo meelaha ay ka jirto gul-dalooladu

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>