Salaxaad(cakaaranews)Talaado, 24ka October 2017.Xukuumada deegaanka soomaalida itoobiya ayaa qaybokamid ah raashinka iyo saliida gaadhsiisay bulshada soomaalida ah ee kasoobarakacday deegaanka oramada ee ladajiyay degmooyinka Salaxaad iyo Lagahida.
Hadaba, qaarkamid ah bulshadaas barakacayaasha ah ee lagaadhsiiyay gargaarkan oo dareenkooda kahadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin taakulayntan iyo caawimadan ay soogaadhsiiyaysay xukuumada DDSI. Waxayna xuseen in ay aad ugu mahadcelinayaan xukuumada DDSI iyo waliba maamulka iyo shaqaalaha dawlada ee degmooyinka salaxaad iyo lagahida oo dajinta barakacayaasha iyo caawimaadaba qaybntooda kaqaatay.
Ugudanbayna, maareeyaha kuliyada macalimiinta ee Dr Cabdimajiid Xuseen mudane Kifaax Cabdulaahi Macalin oo kusugan goobtaas caawimaadu kasocoto islamarkaana warbaahinta u waramay ayaa sheegay in bulshada kasoobarakacday deegaanka oramada ee ladajiyay degmada salaxaad iyo lagahida ay xukuumadu gaadhsiisay taageero kaladuwan oo isugujira raashin, saliid iyo waliba agab kaladuwan oo ay kamid yihiin qalabka cuntada lagu karsado iyo shiraacyada.