Dhanaan(cakaaranews)Isniin 3da October 2016. Shir balaadhan oo uu soo agaasimay Xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha degmada dhanaan oo ay kasooqaybgaleen maamulka degmada iyo bulshada qaybaheeda kaladuwan islamarkaana ujeedadiisu tahay shaacinta miisaaniyada 2009 T.I ayaa si heer sare ah uga qabsoomay degmada dhanaan.
Hadaba, Gudoomiye kuxigeenka degmada dhanaan mudane Bishaar Caliyaw Iidaw ayaa sheegay in shaacinta miisaaniyadu ay door muhiim ah kuleedahay xidhiidhka iyo wada shaqaynta u dhaxaysa bulshada iyo maamulkeeda. Wuxuuna u mahadceliyay xafiiska maaliyada ee degmada sida quruxda badan ee uu u soo diyaariyay miisaaniyada islmarkaana uu ushaaciyay iyo waliba daabacadaha kala duwan ee uu ku sameeyay si ay bulshadu u wada aragto.
Sidookale, shirkan ayaa waxaa kahadlay Madaxa Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Degmada Dhanaan marwo Khadra Cadoosh Cumar oo sheegtay in shirkani yahay mid bulshada kudhaqan degmada dhanaan loogu bandhigayo miisaaniyaa looqoondeeyay degmada sanadkan 2009 T.I. waxayna intaa kudaratay in miisaaniyada degmada ee sanadkan ay tahay lacag dhan 36,363,066 (sodon iyo lix milyan sadex boqol lixdan iyo sadex kun lixdan iyo lix saantaym) oo kala ah sidan:- Mushaar = 21,687,127 (labaatan iyo kow milyan lix boqol sideetan iyo todobo kun boqol labaatan iyo todobo birr),Hawlfulin= 5,119,860(shan milyan boqol toban iyo sagaal kun sdeed boqol iyo lixdan birr) Mashaariic= 9,556,079 sagaal milyan shanboqol konton iyo lix kun todobaatan iyo sagaal saantayn.
Ugudanbayna waxay marwadu tilmaamtay in miisaaniyadani ay tahay mid lagufulinayo qorshayaasha horumarineed ee lagu saleeyay baahida bulshada islamarkaana looga baahanayahay bilshada in ay kula xisaabtamaan maamulkooda.