Jigjiga(cakaaranews) Isniin, 3da October 2016. Munaasabada irreecha oo ah munaasabad nidaam dhaqan oo qadiimi ah kusalaysan oo ay mudadiiba hal mar isugu yimaadeen dadka deegaanka oromiya islamarkaana ay kudabaal-dagaan iyagoo kudoorta hogaamin dhaqameedkooda oo shalay kadhacday magaalada Bishoftu ayay koox kamid ah ururka Onag ee nabad-diidka ah oo kudhex-dhuumanaya shacabka iskudayeen inay marin habaabiyaan balse koox kale oo wadaniyiin ah oo goobta utimid inay udabaal-dagaan munaasabadan ayaa kadiiday. Iskahor-imaadkan ayuuna kuyimid dhibku.
Hadaba iskudul-dhicii iyo isbuur-buuradkii crowdka dadka ayaa keenay inay dhimasho timaado iyadoo arintan ay kadanbeeyeen ururka nolol iyo nabad-diidka ah ee Onag gaar ahaan gacan kudhiiglaha Jawhar Maxamed. Mana jirin cid dawlada kamid ah oo goobtaas joogtay marka laga reebo xubno xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska heer federal kasocday oo rabay inay munaasabada irreecha kudaraan munaasabadaha caalamka laga aqoonsan yahay.
Iskusoo wada duuboo, dhacdadan ayay warbaahinta caalamka oo goob-joog ka ahayd waxay cadeeyeen inay kutimid isbuur-buuradkii dadka oo aad u tiro badnaa iyagoo isticmaalay erayga ‘stampede’ oo macnihiisu yahay ‘isbuur-buurad’. Waxayna intaa kudareen, inaysan habayaraatee dawlada federalka ah iyo dawlada deegaanka oromiya aysan wax lug ah kulahayn islamarkaana aysan goob-joog ka ahayn balse ay kaxunyihiin khasaaraha shacabka soo gaadhay.
Ugudanbayna, warbaahinta caalamka ayaa sheegtay inay falkan kadanbeeyeen ururka nabad-diidka ah ee Onag oo dadka kudhex-dhuumanayay iyagoo calankii Onagta iyo kii dhargiga lasoo baxay balse laga diiday oo ay u noqon wayday.