Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Shirwaynaha 7aad Ee Abaabulka Waxbarashada Degmada Dhanaan

$
0
0

Dhanaan(cakaaranews)Isniin 3da October 2016. Waxaa maanta si heer sare ah uga qabsoomay degmada dhanaan ee gobolka shabeele Shirwaynihii 7aad ee abaabulka waxbarashada degmada dhanaan islamrakaana ay kasoo qaybgaleen  bulshada qaybaheeda kala duwan, khabiiro kasocday xafiiska waxbarshada DDSI iyo waliba maamulka degmada dhanaan.

 Hadaba shirwaynahan ayaa waxaa ugu horayn furitankiisii kahadlay Madaxa xafiiska waxbarashada degmada dhamaan Xadiis Xuseen Axmed iyo waliba kusimaha Madaxa Arrimaha Xisbiga Degmada Dhanaan mudane Cabdi Caydiid oo tilmaamay in shrkani yahay shirwaynihii 7aad ee kaqabsooma dagmada islamarkaana si balaadhan loogaga wada hadlayo qorshayaashii waxbarashada galdaloolada jira ee dhanka waxbarahsda iyo waliba guulaha balaadhan ee XDSHSI u kasoohooyiyay waxbarashada. Waxayna si balaadhan uga hadleen faa’iidooyinka waxbarashada iyo dhibaatoyinka jahligu leeyahay.

Sidookale, waxaa isna qudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabanaysa kaoojeediyay khabiir kasocday xafiiska waxbarashada DDSI mudane Fu,aad Cabdi Muxumed oo sheegay in shirkani yahay shir sifiican loo soo agaasimay islamarkaana uu aad ugu mahadcelinayo shacabka farahabadan ee isugu yimid iyo waliba maamulka sharafta leh ee soo agaasimay wuxuuna xusay in shirkani uu kusoobeegmay wakhti lagu jiro abaabulka waxbarshada ee ah in caruurta da’da waxbarshada gaadhay lageeyo dugsiyada islamarkaana dhamaan deegaanka ay kasocoto abaabulkii waxbarahsda ee sanad dugsiyeedka 2009 T.I. Wuxuuna carabka kudhuftay in waalidiintu ay mudnaanta siiyaan waxbarshada caruurta oo aysan shaqooyinkale udirin markay waxbartaan ayay sifiican walidiintood iyo dalkoodaba u anfici.

 Ugudanbayna shirka ayaa kusoodhamaaday jawi wanaagsan oo farxadi ku dheehantahay

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles