Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Ogaysiis Dhamaan Shacabwaynaha DDSI Meelkasta Oo Ay Joogaan

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 14ka September 2017. Waxaa dhamaan shacabwaynaha DDSI ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba la ogaysiinayaa in shaqasi wata ciwaanka President Abdi Mahomud Omer uusan ahayn madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar balse yahay shaqsi tuug ah oo samaystay page facebook ah oo u isticmaalo magaca madaxwaynaha islamarkaana qoroolo soo dhiga barta facebooga gaar ahaan xiliyada ay xaaldi ka jirto deegaanka. Sidaa darteed  waxaa dhamaan shacabka DDSI meel kasta oo ay joogaan la ogaysiinayaa inay ogaadaan iskana ilaaliyaan shaqsigaas magaca madaxwaynaha wata islamarkaasna aysan maqlin hadal qoraalka uu soo dhigo barta social mediaga.

Hadba shaqsigan tuuga ah ee wata magaca madaxwaynaha ayaa doonaya inuu ka faaiidaysto xasuuqii dadka shacabka soomaalida ah loogu gaystay magaalada awaday islamarkaana barta facebookga soo dhigay hadal qoraal uu isaga dhigayo inuu ku hadlayo codka madaxwaynaha balse waxaan halkan ka cadaynaynaa inuusan ahayn madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar fiira gaar ahna loo yeesho shaqsigaas .


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles