Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Jaadka Awadayga Ah Oo La Sheegay In La Suneeyay Oo Ay Dad Ku Dhinteen Qaarna Hospitaalada Uyaalaan

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 14ka September 2017. Jaadka awadayga ah aya la sheegay in la suneeyay maadaama oo ay soomaalida kali ah cunaan Sababta aysan jaadadka kale usunaynina ay tahay maadaama oo aysan soomaalidu ku badnayn isticmaalkiisa waxaase kasii daran in dhiig dad shacab soomaali ah lagu daadiyay jaadka awadayga ah iyadoo la sheegayo in jaadadka kale  laftooda la suneeyo marka soomaalida loo soo dirayo. Waxaana ugu yaraan hosbitaalada uyaala ilaa 8 ruux halka dad kalena lagusoo waramayo inay udhinteen.

Hadaba sunaytan jaadka awadayga ah lagu sameeyay ayaa ah mid wax yeelaynaysa beerka iyo habdhiska taranka ee aadamaha. Sidaa darteed waxaa dadka soomaalida ah ee isticmaala jaadka loogu baaqayaa inay muujiyaan inay ka maarmi karaan jaadkaba guud ahaan oo aysan la aantii udhimanaynin waxaana looga digayaa dadka soomaalida ah isticmaalka jaadka gaar ahaan jaadka awadayga ah cunistiisa inay ka tanaasulaan 100% maadaama oo la suneeyay.

Dhanka kale waxaa lagu boorinayaa dadka ka ganacsada jaadka inay iska ilaaliyaan ka ganacsiga jaadka la suneeyay oo ka ganacsigiisu ay ka dhigan tahay in ganacsadahaas uu oogu talagalay inuu soomaalida laayo.   


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>