Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Kulan Waynihii 9aad Ee Waxabarashada Deegaanka Oo Ka Furmay Xarunta Deegaanka

$
0
0

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 10ka September 2017. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ka furmay shirwaynihii 9aad ee waxbarashada deegaanka oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin sare oo ay kamid yihiin Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase, Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad, Gudoomiye gobolada deegaanka, Maamul magaalooyinka, gudoomiyeyaasha degmooyinka iyo madaxafiiseedyada waxbarashada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka.

Hadaba kulan waynahan 9aad ee waxbarashada deegaanka ayaa waxaa furitaankiisii kahadlay Wasiirka xafiiska maamulka DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase oo sheegay inuu kulankan yahay mid la qabto sanad walba xiligan islamarkaana ay dhamaan dawlad deegaanada dalku qabsadaan sanad walba si loo hormariyo tayada waxbarashada iyadoo lagu salaynayo qorshaha kobaca dhaqaale ee la hiigsanayo, Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in qorshaha hawleedka waxbarasho ee xiligana tahay mid xooga lasaarayo sidii dugsiyada loo keeni lahaa caruurta da’doodu gaadhay heerka waxbarasho. Iyo waliba sidii kor loogusii qaadi lahaa tayada waxbarasho ee deegaanka sanadan cusub ee 2010TI.

Dhanka kale waxaa isna ka hadlay Wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo sheegay in kulan waynahan yahay mid ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin heer deegaan, heer gobol iyo heer degmoba leh islamarkaana lagaga wada hadlayo qorshihii waxqabadka sanadii 2008TI sida loo hirgaliyay iyo in laga wada hadlo caqabadaha waxbarasho ee ka horyimid 2009. Wuxuuna wasiirku intaa ku daray in sidoo kale laga wada hadlayo qorshaha waxbarashada sanadan 2010 TI si loo gaadho yoolasha la hiigsanayo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>