Quantcast
Channel: Degaanka - Cakaara News
Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Tababar Kusaabsan Nidaamka Hantidhawrka Oo Loo Qabtay Hanti-Dhawrayaasha

$
0
0

Jigjiga(cakaaranews)Khamiis 7da September 2017. Tababar uu soo agaasimay Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI islamarkaana ay kasooqaybgaleen khabiirada hanti-dhawrayaasha ee xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqalaha DDSI iyo waliba qaarkamid ah xafiisyada bahwadaata la ah xafiiska ayaa si habsamileh loogu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee isla xafiiska.

Hadaba, shirkan ayaa waxaa xidhitaankiisii ugu horayn kahadlay Wasiirka Xafiiska Maaliyada Iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed oo sheegay in sanadkasta bilowgiisa baarlaamnka DDSI uu ansixiyo miisaaniyada deegaanka. taas oo ay hay’adkasta oo dawli ahi kumeelmariso qorshaheeda sanadka. Wuxuuna intaa kudaray wasiirku in miisaaniydaasi sanadka dhamaadkiisa ay noqonayso documenti kaasoo ah raadkii miisaaniyadaas oo cadaynaya riyaalkasta meeshuu maray. Wuxuuna tilmaamay in kaqaybgalaayshani yihiin hanti-dhawayaashii fulin lahaa nidaamka iyo baadhista shuruucada hantidii la isticmaalay 4ta rubuc ee sanadka.

Wasiirka oo hadlkiisa sii wata ayaa hantidhawrayaasha kuladardaarmay in ay sifiican ugu dhaqmaan casharadan ay barteen ee lagu kobcinayo garaadkooda aqoomeed islamarkaasna ay adkeeyaan shuruucda iyo nidaamka hantidhawrnimo

Ugudanbayna, dhankooda kaqaybgalayaashii tababarkan oo dareenkooda kahadlaya ayaa sheegay in tababarkani uu ahaa mid aad uheersareeya islamarkaasna aqoonbadan ay kaheleen. Waxayna balan qaadeen in ay ilaalinayan nidaamka iyo shuruucda hantidhawrnimo.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 131746

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>