Filtu (Cakaaranews), Khamiis 7da September, 2017. Waxaa ka qabsoomy madasha shirarka ee magaalad fiiltu ee xarunta gobolk liibaan shir si meeqaam sare ah loo soo agaasimay oo ay isugu yimaadeen masuuliyiinta 2da gobol ee walaalaha ah, dariskana ah oo kala ah gobolka liibaan oo ka tirsn gobolada deegaanka soomalida itoobiya iyo gobolka Bale zone oo ka tirsan deegaanka oromada iyo walib masuuliyiin ka kala socotay qaarka mid ah degmooyinka hoos yimada labadaasi gobol khaasatan kuw ku yaala xuduuda labada gobol.
Shirkan oo ay ujeedadiisu ahayd mid lagu sii xoojinayay hirgalinta qorshayaasha horumarka kawada shaqaynta iyo iskaashiga arimaha nabadgalayda gaar ahaan taaba galinta iyo meel marinta heshiisyadii xalka waara lagaga gaadhay xalinta arimaha xuduuda labada deegaan ee walaalaha ah, ka hortaga shaqsiyaadka ay soo adeegsadaan ururada nabadiidka ah isdhexgalka wadanoolaanshaha iyo iskaashiga labada shacab ee kuwad nool gobolada iyo degmooyinkaasi iyo guud ahaanba sidii siwada jir ah looga wada shaqayn lahaa ka ka midho dhalinta istaraatajiyadaha iyo jihooyinka horumrineed ee dalka iyo deegaanada u dajisan.
Hadaba Shirkan ayaa waxaa si wada jir ah u hogaaminayay gudoomiyaha gobolk liibaan mudane Cabdi Xuseen Cali iyo dhigiisa gudoomiyaha gobolka Bale zone kuwaasi oo sharax dheerka bixiyay ujeedooyinka iyo ahmiyada kulankaasi waxayna sheegeen in masuuliyiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmooyinka hoos yimada labada gobol looga baahan yahay sidii ay uga shaqayn lahaayeen sii xoojinta qorshayaasha horumarineed iyo taaba galinta adkaynta arimaha nabadgalyada iyo ka wada shaqaynta arimaha daris wanaaga iskaashiga maamulada gobolada iyo degmooyinka dariska ah iyo waliba iskaashiga labada shacab ee walaalaha ah iyada oo la meel marinayo adkaynta iyo fulinta heshiisyadii hore looga gaadhay xuduudaha labada deegaan ee walaalaha ah.