Qabridahar(Cakaaranews) Isniin, 14ka August , 2017. Kulan balaadhan oo shaqo abuur loogu samaynayay dhalinyaro dhan 1,300 xubnood oo ka kooban iskaashatooyin kaladuwan islamarkaana laga soo kala xulay xaafadaha maamulka magaalada qabridahar ayaa ka qabsoomay madasha shirarka ee mm qabridahar.
Haddaba,kulankan shaqo abuurka loogu samaynayay dhalinyarada isugu xidhan iskaashatooyinka ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka kuxigeenka xafiiska maamulka DDSI Mudane Deeq Cabdulaahi Buraale, Wasiirka Xafiiska Tababarada, Xirfadaha iyo farsamada gacanta DDSI mudane Naasir Xasan, Gudoomiyaha gobolka Qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf iyo dhalinyarta shaqo abuurka loo samaynayay ee mm qabridahar.
Waxaana ugu horayntii kulankan ka hadlay wasiir kuxigeenka xafiiska maamulka DDSI mudane Deeq Cabdulaahi Buraale oo si faahfaahsan ooga hadlay in nidaamka iyo qorshayaasha u dajisan xukuumada uu yahay sidii loo tirtiri lahaa cadowgeena koobaad oo ah saboolnimada islamarkaana si taas loo gaadhana shiishka la saarayo shaqo abuurka dhalinyarada deegaanka loona baahan yahay in dhalinyaradu noqdaan kuwa ka midho dhaliya yoolasha loo dajiyay ee la hiigsanayo. Wuxuuna mas’uulku intaa kudaray in ujeedada kulankan tahay sidii loo dhalinyarada bilaa calamka ah loogu samayn lahaa shaqo abuur iyada la dayminayo lacaga ay ku shaqaystaan si loo hirgaliyo tir tirida fikirka ma shaqayste nimada islamarkaana in ka hor inta aan la daymin dhalinyaradan lacagaha loo furayo tababar gaaban oo ku saabsan xirfadaha kala duwan ee ganacsiga.
Dhankiisa Wasiirka Xafiiska Tababarada, Xirfadaha iyo farsamada gacanta DDSI mudane Naasir Xasan oo kahadlay kulankan ayaa isana sheegay in ujeedada kulankani uu qayb kayahay qorshayaasha ay xukuumada DDSI ku xoojinayso abuuritaanka bulsho ku baraarugsan iskuna sharafta shaqada isku filnaanshaha iyo wax soo saarka kana madaxbanaan fikirka cidhiidhyoon ee mashaqayste nimada, shaxaadka iyo dulsaarnimada. Wuxuuna wasiirku ku booriyay dhalinyaradan iskugu xidhan iskaashatooyinka in ay xooga saaraan sidii ay u taaba galin lahaayeen meelmarinta qorshahan kana faa’iidaystaan fursadahan ay siiyay xukuumada DDSI.
Ugu danbayntii maaha markii ugu horeesay ee ay xukuumada DDSI shaqo abuur u samaysay dhalinyarada DDSI ee waxay sanadihii ugu danbeeyay xooga saartay sidii loo tir tirilahaa saboolnimada iyo mashaqaysta nimada loona taaba galin lahaa gaadhida horumar waara oo joogtaysan taasi oo kumanaan dhalinyaro ah oo markii hore bilaa camal ahaa inta la baray xirfadaha kala duwan ee ganacsiga ka dib shaqo abuur loo sameeyay.