Dhagaxbuur(cakaaranews), Isniin, 14ka August , 2017. Kulan balaadhan oo shaqo abuur loogu samaynayay dhalinyaro dhan 797 xubnood oo ka kooban 78 iskaashato oo laga soo kala xulay xaafadaha maamulka magaalada dhagaxbuur ayaa maanta ka dhacay madasha shirarka ee mm dhagaxbuur.
Haddaba,kulankan shaqo abuurka loogu samaynayay dhalinyarad isugu xidhan iskaashatooyinka ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin wasiirka madaxtooyada DDSI mudane Cabdimahad Maxamed Cabaase, wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi maxamed , maareeyaha ha’yada lacagaha yar yar DDSI mudane maxamed Cabdiraxmaan, masuuliyiin kale iyo xubnaha dhalinyarada shaqo abuurka loo samaynayo.
Waxaana ugu horayntii ka hadlay kulankan wasiirka madaxtooyada DDSI mudane cabdimahad maxamed cabaase oo si qoto dheer uga warbixiyay jihooyinka iyo istaraatajiyadaha horumarineed ee u dajisan xukuumada DDSI ee lagu tir tirayo saboolnimada korna loogu qaadayo koboca dhaqaalaha deegaana taasi oo meelaha shiishka la saarayaa tahay shaqo abuurka dhalinyarada deegaanka loona baahan yahay in dhalinyaradu noqdaan kuwa ka midho dhaliya yoolasha loo dajiyay ee la hiigsanayo. Wasiirka ayaa sheegay in ujeedada kulankana tahay sidii loo dhalinyarada bilaa calamka ah loogu samayn lahaa shaqo abuur iyada la dayminayo lacaga ay ku shaqaystaan si hirgaliyo tir tirida fikirka ma shaqayste nimada wasiirka ayaa intaa ku daray in ka hor inta aan la daymin dhalinyaradan lacagaha loo furayo tababar gaaban oo ku saabsan xirfadaha kala duwan ee ganacsiga
Dhankiisa wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi maxamed oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ujeedada kulankani qayb ka tahay qorshayaasha ay xukuumada DDSI ku xoojinayso abuuritaanka bulsho ku baraarugsan iskuna sharafta shaqada isku filnaanshaha iyo wax soo saarka kana madaxbanaan fikirada mashaqayste nimada, shaxaadka iyo dulsaarnimada wasiirka ayaa ku booriyay dhalinyaradan iskugu xidhan iskaashatooyinka in ay xooga saaraan sidii ay u taaba galin lahaayeen meelmarinta qorshahan kana faa’iidaystaan fursadahan ay siiyay xukuumada DDSI.
Ugu danbayntii maaha markii ugu horeesay ee ay xukuumada DDSI shaqo abuur u samaysay dhalinyarada DDSI ee waxay sanadihii ugu daneeyay xooga saartay sidii loo tir tirilahaa saboolnimada iyo mashaqaysta nimada loona taaba galin lahaa gaadhida horumar waara oo joogtaysan taasi oo kumanaan dhalinyaro ah oo markii hore bilaa camal ah inta la baray xirfadaha kala duwan ee ganacsiga ka dib shaqo abuur loo sameeyay.