Jigjiga(cakaaranews)Arbaco 19ka July 2017.Kulan lagu qiimaynayay waxqabadkii 6dii bilood ee u danbaysay ee mashruuca shaqo abuurka iyo damaanad qaadka cuntada ee maamul magaalooyinka ( Urban PSNP) ayaa ka furmay hoolka shirarka ee xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI.
Shirkan ayaa Waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed , masuuliyiinta wakaalada shaqo abuurka iyo damaanad qaadka cuntada magaalooyinka oo uu ka mid yahay maareeyaha wakaalada shaqo abuurka iyo damaanad qaadka cuntada MM jigjiga mudane cabdilaahi cabdi cilmi, masuuliyiin ka socday heer faderaal iyo masuuliyiinka socday xafiisyada heer deegaan ee ay baw-wadaagta yihiin mashruucan.
Hadab, Shirkan qiimaynta ah ayaa Waxaa shir gudoon ka ahaa islamarkaana ugu horayntii ka hadlay Wasiirka Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka loo hirgaliyay mashruucan isaga oo sheegay in uu mashruucani kamid yahay tubaha iyo xeeladaha loo marayo tir tirida saboolimada islamarkaana kor loogu qaadayo ilaha shaqo abuurka magaalooyinka. Wasiirka ayaa intaa kudaray in ilaa iyo wakhtigii la hirgaliyay mashruucani uu guulo wayn ka soo hooyiyay shaqo abuurka magaalooyinka gaar ahaan magaalada jigjiga. Wuxuuna carabka kudhuftay in shirkan lagu soo bandhigayo warbixinta waxqabadkii 6da bilood ee mashruuca wixi qabsoomay, waxa aan qabsoomin iyo sababta ayna u qabsoomin.
Dhanka kale, Maareeyaha Wakaalada Shaqo Abuurka iyo Damaanad-qaadka Cuntada MM Jigjiga mudane Cabdilaahi Cabdi Cilmi ayaa soo bandhigay warbixinta waxqabadka mashruucan ee 6dii bilood ee ugu danbeeyay. Wuxuuna sheegay in mashruuci isugu jiro laba waji oo kala ah taageerada tooska ah ee uu gaadhsiiyo dadka tan yarta ah iyo abuuritaanka illaha shaqada maareeyaha ayaa intaasi ku daray in mashruucani shaqo abuur u sameeyay 5,000 oo qof oo isugu jira 4800 ah dadka shaqo abuurka loo sameeyay ee ka faa’iidaysanaya mashruucan halka ay 800 qofna yihiin kuwa taageerada tooska ah la siiyo ee ah dadka danyarta ah.
Dhankooda masuuliyiintii ka socotay heer faderaal oo ah masuuliyiin u kuurgalayay geedi socodka mashruucan iyo waxqabadkiisa ayaa iyaguna 6dii bilood ee udanabysay soo bandhigay dhinacyada jilicsan ee mashruuca iyo waliba dhinacyada adag ee kudayashada leh, taasoo ladhihi karo in deegaanka soomaaidu uu meel hore kaga jiro waxqabadka mashruuca ee magaalooyinka dalka.
Ugudanbayna, shirkan qiimaynta ah ayaa lagu kalaqaatay talobixino, goldaloolo lasaxayo iyo waliba dhiirigalin in lasii adkeeyo dhinacyadii adakaa ee shaqooyinka laqabtay mashruuca.