Tuulada Haar Jano(Cakaaranews) Arbaco 19ka July 2017.Ciidanka gaarka ah ee DDSI ayaa sanadahii ugu danbeeyay ka shaqaynayay horumarka deegaanka kadib markay meel saaraan cadowgii shacabka ee nabadiidka ahaa ee UBBO islamarkaana bilaabay inay ka shaqeeyaan horumarka qaybihiisa kala duwan sida jidadka, Daawaynta xoolaha iyo qodida beeraha.
Hadaba ciidanka gaarka ah ee deegaanka ayaa deeq raashin ah oo isugu jira raashinka noocyadiisa kaladuwan, daawada dadka iyo ta xoolaha gaadhsiiyay bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka dhaawa.
Mas’uuliyiinta ciidanka gaarka ah ee liyuu boliceka ee waday deeqdan raashinka ah ayaa sheegay inay maalmihii ugu danbeeyay ay deeqdan raashinka ah ka qaybinayeen degmooyinka gobolka dhaawa sida hudhat iyo mooyaale islamarkaana ay deeqadn ka koobantahay raashinka noocyadiisa kaladuwan, daawada dadka iyo ta duunyada. Waxayna mas’uuliyiinta ciidanka gaarka ah deegaanka ee qaybinayay raashinkan intaa ku dareen in ay raashinka ku bixinayaan sida bulashadu u kala taagdarantaahay iyagoo mudnaanta siinaya dadka da,da ah. Sidoo kale waxay mas;uuliyiintu intaa ,u dareen inay deeqdan raashinka ah wada gaadhsiin doonaan dhamaan degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada gobolka dhaawa.
Dhanka kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka dhaawa ee la gaadhsiiyay deeqdan raashinka ah oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin deeqdan raashinka ah ee uu ciidinka liyuu boliceku soo gaadhsiiyeen,islamarkaana ay bogaadiyeen deeqdan raashinka iyo daawada isugu jira ee ciidanku deegaanku mushaarkooda kasoo jareen.
Sikastaba ha ahaatee deeqda ay ciidanka gaarka ah ee deegaanku gaadhsiiyeen bulashada deegaanka ayaan ahayn midi ugu horaysay balse marar badan kasoo qaybiyeen gobolada deegaanka uu kakoobanyahay islamarkaana ay sii gaadhsiin doonaan goobaha kale ee udhiman.